Hal-abuurnimadu waa hanaan ku dhisan farshaxannimo uu Abwaanku ku ibo-furo, oo ku weelleeyo inay is waafaqaan hummaag-yada sawirraada dhacdooyinka kala duwan leh iyo inuu suureeyo marxaalladda markaa taagan ee bulshada ku xeeran, amase ay tabayso.
Heestan ( CADOW AANAD GARANAYN HA U NOQON COD BAAHIYE,) ee aynu ka faalloonayno fallaanqaynteeda-na leh, waxa curiyay Abwaan Cabdillaahi Saleebaan Maxamed (Cabdillaahi Saleebaan Bidde) oo ay Walaalo yihiin Abwaan Axmed Saleebaan Bidde oo ku suntan foollaadka suuggnta, waxaanna laxanka leh Abwaan, Xildhibaan Xasan Dhuxul Laabsaalax , halka cododkoodana ay ku tabinayaan Maxamex Axmed Bakaal (Cirro), Hodan Cabdiraxmaan Cismaan Maxabe (Hodan Cabdiraxmaan Dheere), Asma Saban iyo Ismaaciil Maxamed Ismaaciil (Dulcad) oo ka mid ah kooxdda Xiddigaha Geeska.
Abwaan Cabdillaahi Saleebaan Bidde, sida uu ereyadan iskugu xidh-xidhay waa mid ka gun dheer inta innoo muuqata, hibo Rabbi ceeb ka nasahane ku galaday ayaa u sahashay in uu sidan u cabbirro oo bulshada baraarujin uga dhigo in maankoodda lala yeelan oo, garashaddoodu-na noqon mid uu daaqo garaad laa’we Agoon ka ah garaadka iyo arragtida markaas la rabo in lagu tanaado ee horseedka u ah taabbo-galka iyo hir-galka himillooyinkooda Ummaddnnimo.
Waligaa Cannaantiyo
Iskadaa Colaado
Cuyuub waxaad u argtana
Adigoo ka caban kara
Ha ka dhigin cir soo dumay
Isku soo cel-celiyoo
Ha saluugin calafkiyo
Wuxuu Caadil keeno
Cidda Maalka haysiyo
Yaanu cuudku ku talin
Nin calaamad baas lihi
Yaanu ciidan ka dhigan
Carrab dalable yeelki
Meel aan cidi kasoo noqon
Cadho yaanay kula tagin
H unoqon cod baahiye
Cadaw aanad garanayn.
AHUN. Qaamuuskii iyo Macalinkii Suugaanta Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), waa kii murti ku yidhi, “Qalinkaa wax suureeya kugu sima halkaad doonto Saaxiib kal furan weeye Sunto fara ku hayntiisa weligaa ha sii deynin.”. Hase-yeeshee Abwaan Cabdillaahi Saleebaan Bidde waxay murtidiisan inoo tilmamaaysaa in bini’adamka ceebihiisa aan la faafin, waayo ILAAHAY SWT wuxuu inoo sheegay in dadka ceebahooda aan la sheegin si ceebtaadu u asturnaato.
Rabbibaa laga cabsooda
Adigoon caga juglaynayn
Iyo culays isa saarayn
Habrashadda ku cararayn
Marna laguma ciil baxo
Suggaan la curiyo
Qalin lagu cad goosto
Lagu faafsho ceebaha.
Ekeeyayaashan soo jiidashada leh ee uu Abwaanku adeegsaday, mid na mid kama laalaado, waxaanu hooga-tusaallayn uga dhigay in bulshadu caqli ahaan noqoto mid ka korta inay dhagaysto baaq-yadda duul kala qaybinaya.
Caqligaagu yaanu noqon
Caydi aan korayn
Cilmi kaaba loo heli
Oo garasho celin karayn
Carrab dalable yeelkiye
Meel aan cidi kasoo noqon
Cadho yaanay kula tagin
Ha u noqon cod baahiye
Cadaw aanad garanayn.
Abwaanka heestan curiyay waa kan igula jira sawirkan.
W/Q; Khaalid Xabsi.