|
|||||
WAJAALE NEWS
Ekeeyayaasha Farshaxannimada Leh Ee Ku Jira Heesta ( Ha Unoqon Cod Baahiye).
September 4, 2022 - Written by Editor:Hal-abuurnimadu waa hanaan ku dhisan farshaxannimo uu Abwaanku ku ibo-furo, oo ku weelleeyo inay is waafaqaan hummaag-yada sawirraada dhacdooyinka kala duwan leh iyo inuu suureeyo marxaalladda markaa taagan ee bulshada ku xeeran, amase ay tabayso. Heestan ( CADOW AANAD GARANAYN HA U NOQON COD BAAHIYE,) ee aynu ka faalloonayno fallaanqaynteeda-na leh, waxa curiyay Abwaan Cabdillaahi Saleebaan Maxamed (Cabdillaahi Saleebaan Bidde) oo ay Walaalo yihiin Abwaan Axmed Saleebaan Bidde oo ku suntan foollaadka suuggnta, waxaanna laxanka leh Abwaan, Xildhibaan Xasan Dhuxul Laabsaalax , halka cododkoodana ay ku tabinayaan Maxamex Axmed Bakaal (Cirro), Hodan Cabdiraxmaan Cismaan Maxabe (Hodan Cabdiraxmaan Dheere), Asma Saban iyo Ismaaciil Maxamed Ismaaciil (Dulcad) oo ka mid ah kooxdda Xiddigaha Geeska. Abwaan Cabdillaahi Saleebaan Bidde, sida uu ereyadan iskugu xidh-xidhay waa mid ka gun dheer inta innoo muuqata, hibo Rabbi ceeb ka nasahane ku galaday ayaa u sahashay in uu sidan u cabbirro oo bulshada baraarujin uga dhigo in maankoodda lala yeelan oo, garashaddoodu-na noqon mid uu daaqo garaad laa’we Agoon ka ah garaadka iyo arragtida markaas la rabo in lagu tanaado ee horseedka u ah taabbo-galka iyo hir-galka himillooyinkooda Ummaddnnimo. Waligaa Cannaantiyo Iskadaa Colaado Cuyuub waxaad u argtana Adigoo ka caban kara Ha ka dhigin cir soo dumay Isku soo cel-celiyoo Ha saluugin calafkiyo Wuxuu Caadil keeno Cidda Maalka haysiyo Yaanu cuudku ku talin Nin calaamad baas lihi Yaanu ciidan ka dhigan Carrab dalable yeelki Meel aan cidi kasoo noqon Cadho yaanay kula tagin H unoqon cod baahiye Cadaw aanad garanayn. AHUN. Qaamuuskii iyo Macalinkii Suugaanta Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), waa kii murti ku yidhi, “Qalinkaa wax suureeya kugu sima halkaad doonto Saaxiib kal furan weeye Sunto fara ku hayntiisa weligaa ha sii deynin.”. Hase-yeeshee Abwaan Cabdillaahi Saleebaan Bidde waxay murtidiisan inoo tilmamaaysaa in bini’adamka ceebihiisa aan la faafin, waayo ILAAHAY SWT wuxuu inoo sheegay in dadka ceebahooda aan la sheegin si ceebtaadu u asturnaato. Rabbibaa laga cabsooda Adigoon caga juglaynayn Iyo culays isa saarayn Habrashadda ku cararayn Marna laguma ciil baxo Suggaan la curiyo Qalin lagu cad goosto Lagu faafsho ceebaha.
Ekeeyayaashan soo jiidashada leh ee uu Abwaanku adeegsaday, mid na mid kama laalaado, waxaanu hooga-tusaallayn uga dhigay in bulshadu caqli ahaan noqoto mid ka korta inay dhagaysto baaq-yadda duul kala qaybinaya.
Caqligaagu yaanu noqon Caydi aan korayn Cilmi kaaba loo heli Oo garasho celin karayn Carrab dalable yeelkiye Meel aan cidi kasoo noqon Cadho yaanay kula tagin Ha u noqon cod baahiye Cadaw aanad garanayn. Abwaanka heestan curiyay waa kan igula jira sawirkan. W/Q; Khaalid Xabsi. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|