Qaarkamid Ah Madax-dhaqameedka Somaliland Oo Ka Hadlay Xadhiga Xukuumadu Kula Kacday Suldaan Cade Gude.
August 22, 2022 - Written by Editor:
HARGAYSA(W,N)-Qaarkamid ah madaxdhaqameedka somaliland oo maanta magaalada hargaysa ku qabtay shir jaraa,id ayaa si kulul ucanbaareeyay xadhig habeenkii xalay xukuumadu kula kacday suldaan Axmed Cade Gude oo kamid ah bahda dhaqanka
Sidoo kale madaxdhaqameedkan ayaa xukuumada ugu baaqay in ay aqbasho cidkasta oo ka shaqaynaysa wanaaga umada kuna hawlan sidii loo dhex dhexaadin lahaa mucaaridka iyo xukuumada.