|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Maanta Qaabiley Ergo Isku-xil-qaantay Xal-u-helidda Arrimaha Siyaasadeed Ee Dalka Ka Jira.
June 21, 2022 - Written by Editor:Hargeysa-(W.N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 21-06-2022 Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ergo is-xil-qaantay oo isugu jira Salaadiin, Cuqaal iyo Culimo Awdiin, maalmihii u danbeeyey ku hawllanaa isu soo jiidka arrimaha siyaasiga ah ee u dhexeeya xukuumadda iyo labada Xisbi Mucaarid. Waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu odayaasha dhaqanka iyo culimada is-xil-qaamay ku soo dhaweeyey gacmo-furan, waxaanu u sheegay inuu u hayo xurmo iyo ixtiraam gaar ah. Dhinacooda Ergaduna waxay u sheegeen madaxweynaha in ay u socdaan in ay gacan ka gaystaan xal-u-helidda arrimaha siyaasadeed ee dalka ka jira hadda. Ugu dambeyn, shirkaasi waxa uu ku soo dhammaaday jawi wacan, waxaana la isku af-gartay in Golaha Guurtida oo sharci ahaan Qaranka Somaliland u qaabilsan xallinta khilaafku ay leeyihiin hawshan, iyagana ay tahay in laga war-sugo qaabka loo galayo hawsha. Waxaana Madaxweynaha Qaranka shirka ku wehelinayey
Dhinaca Xubnaha Guddida is-xilqaantayna waxay kala ahaayeen:-
ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|