Madaxwaynaha Jsl Oo Ka Hadlay Muhiimada Uu Somaliland Uleeyahay Shirka Beelaha Warsangali Iyo Doorkii Ay Ku Lahaayeen Xornimo Doonkii Jsl Ee 60kii. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Ka Hadlay Muhiimada Uu Somaliland Uleeyahay Shirka Beelaha Warsangali Iyo Doorkii Ay Ku Lahaayeen Xornimo Doonkii Jsl Ee 60kii.
June 12, 2022 - Written by Editor:

CEERIGAABO(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi oo ergeda Beelaha warsangali  hadal u jeediyey, ayaa si qoto dheer oo xog-ogaalnimo leh u sharraxay kaalinta ay beesha Warsangeli ku lahayd dhismaha Somalilanad, gumaysi la dirirkii iyo helidda xorriyaddii ay Jamhuuriyadda Somaliland ka qaadatay dawladdii Ingiriiska.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in beeshani weligeedba hormuud u ahayd helitaanka iyo xorriyadda iyo dhiskii qaranka Somaliland, isaga oo sharraxay qaar kamid ah kaalmihii beesha ee dhismaha qaranka,“Beeshan waxyaabaha shirkeeda looga soo qaybgalay waxa kamid ah waa beeshii dawladdii Ingiriisku isaga oo halgan ugu jira xorriyadda ay sagaal sanno oo xabsi  mustaafuris ah la geliyey. Marka labaad markii gobonnimada la doonayey ee isticmaarku inuu tago la doonayey ciddii loo diray weftigii cadan lagula kulmay salaadiintii iyo waxgaradkii la socday hadalkii Somaliland xorriyaddeeda ku saabsanaa ciddii loo dhiibayna Warsangeli bay ahayd,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS