|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynihii Hore Ee Dalka Kenya Mwai Kibaki Oo Geeriyooday.
April 22, 2022 - Written by Editor:NARIOBI(W,N)-Madaxweynihii hore ee Kenya ee Mwai Kibaki ayaa dhintay , sida uu shaaciyay madaxweynaha Talada Dalka Kenya Hada Haya Ee Uhuru Kenyatta. Mwai Kibaki Ayaa Ahaa Madaxweynihii Saddaxaad ee soo mara Kenya, Isagoo Majaraha U Hayey Dalkaasi Sanadihii 2002- 2012-kii. Mwai Kibaki Ayay Da’diisu ay ahayd 90 Sanno Jir. Xildhibaan Mohamed Hussein Jama-Rambo oo ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiillada Somaliland ayaa ka hadlay geerida Mwai Kibaki waxaanu yidhi sida tan: Shirkii madaxda Afrika oo aan saxafi ahaan Addis Ababa kaga qayb galay bishii February sannadkii 2010, ayuu ka mid ahaa madaxdii qaarada ee shirka ka qayb gashay, waxaana sawirka ka sakow aniga iyo Mwai Kibaki ka muuqda Wasiirkii Khaarajiga ee Kenya ee wakhtigaas Moses Wetangula, Wasiirkii Khaarajiga ee Maamulkii Marxuum Qadaafi Alle haw naxariistee, Mr.Moussa Koussa oo markii kacdoonku ku bilaabmay u baxsaday dalka UK, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo markaas ahaa madaxweynaha Soomaaliya iyo Shariif Xasan oo u ahaa raysalwasaare-xigeen iyo wasiirka maaliyada iyo madax kale. Intii uu talada hayay 2003-2013, wuxuu xidhiidh la lahaa Jamhuuriyada Somaliland. Waan ka tacsiyadaynayaa dawlada iyo shacabka Kenya geerida Mwai Kibaki. Related posts:Daawo:Xisbiga Wadani Oo Dhaliilay Isku Shaandhayntii M/wayne Silaanyo Ku Sameeyay Golihiisa Xukuumad... Halkan Ka Daawo-Saraakiil Ka Tirsan Xisbiga Waddani Ololaha Maalintii 6aad Kala Qayb Galay Shacabka ... DAAWO;-Warbaahinta Gobolka Awdal Oo Canbaareeyay Xadhiga 4Suxufi Oo Magaalada Boorama Ku Xidhan. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|