Madaxwayne Biixi Oo Magacabaay Wasiirka Gaadiidka Iyo Jidadka Oo Uu Dhawaan Baneeyay Cabdirasaaq Ataash. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Biixi Oo Magacabaay Wasiirka Gaadiidka Iyo Jidadka Oo Uu Dhawaan Baneeyay Cabdirasaaq Ataash.
April 7, 2022 - Written by Editor:

WAREEGTO MADAXWEYNE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-854/042022 uu ku magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Magacaabid

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay:             Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay:              Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay:        In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:         La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Faarax laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

COMMENTS
LINKS