|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirkii Hore Ee W. Warshadaha Somaliland Oo Dhambaal Tacsi ah Udiray Marxuum Caaqil Cabdi Aw Cumar Oo Maanta Lagu Aasay Gabiley.
March 23, 2022 - Written by Editor:“Haduu Tabaaleba Ka Dhaco Teenan Gudaheeda Iney Taw ka soo Odhan Jireen Baad Wada Taqaaneene) JABUUTI(W,N)-Wasiirkii Hore Ee wasaarada warshadaha Somaliland ee xukuumadii axmed siilaanyo shucayb maxamed Muuse ayaa shacabka Somaliland gaar ahaan bulshada gobolka Gabiley ka tacsiyadeeyay geerida ku timid marxuum caaqil Cabdi aw cumar warsame oo maanta lagu aasay magaalada gabiley oo uu habeenkii xalay ku geeriyooday. Sidoo kale siyaasi shucayb ayaaka waramay taariikhdii uu marxuum caaqil cabdi cumarku lahaa bahda dhaqanka iyo dib udhiskii dalka Dhanka kale siyaasi shucayb ayaa mid mid uxusay bahdii dhaqanka ee gobolka gabiley ka baxay sanadihii ugu danbeeyay “Waxaan Tacsi tiiraanyo udirayaa Marxuum Caaqil Cabdi Aw Cumar leh ilaahay haw naxariisto Waxa uu ahaa odayada gobolka ku sii dhisnaa geeridiisu waxay banaysay albaab aanay cidi buuxin karin Waxaan aad uga xumahay inaan ka maqanahay aaska caaqilka waxa iga nasiib badan cid kasta oo maanta aaskiisa ka qayb gashay Waxa iigu dambaysay jimcihii dhawayd oo aanu ku wada tukanay masjid jaamica wayn gabilay Marxuumku wuxuu maanta ka daba tagay saaxiibadii ka sii horreeyay ee ay aduunyada sxbka Ku ahaayeen maanta maalin xanuun badan ayay ahayd lkn ilaahay ayaa oofsaday. Waxaan maanta xasuustay ragii cuslaa ee soo talinayay intii dalku dhismayay ee Cabdi ugu dambeeyay ilaahay hawnaxariisto Dhamaantood. 1;Marxuum oday Cabdi Aw cumar kulmiye 2;Marxuum caaqil c/laahi cali barkhad 3;Chef caaqil cabdi ciidle Amaan. 4;Oday abiib warsame cabdi (Abiib guray) 5;Oday cabdi xasan seed 6-Caaqil gaydh cige geele 7:-Caaqil cabdi cute warsame 8:-Caaqil axmed c/laahi xareed ( weerar) 9:-Oday aw ciise jaamac qaalib 10:-Suldaan ibraahim jaamac samatar 11:-Caaqil cabdu cumar ileeye ( Caana nuug) 12 ;Caaqil axmed Qalinle 13-Caaqil Maxamuud aw daahir cumar 14:-Caaqil Nuur cilmi samtar 15:- Chef caaqil aw Yuusuf Magan faarax 16:-Caaqil cabdi cumar 17:-Oday xaaji cismaan caynaan 18:-Oday sheekh maxamed cali 19:-Caaqil : xasan mohamoud muumin ( canjeex) 20:-Caaqil xasan Gadhle 21:-Caaqil kureed 22:-Caaqil aw yuusuf cumar 23:-Caaqil Cabdi Rashiiid hoori 24:-Oday maxamed Aadam (qardhab) 25:-Oday cabdilaahi muxumed gudaal 26:-Oday axmed Maxamuud ( shaarub) 27:-caaqil Cabdi aw cumar warsame 28:-Caaqil mohamed bile( fahiye dheere 29:-Caaqil mahamed caaqil warsame (indho yare) 30:- caaqil ciidle cali Ismaciil ( ciidle dheere) 31:-Caaqil maxamed ismaaciil . 32:-Caaqil aw nuur dhancade 33:-Suldaan Maxamed sh.Ismaaciil jabaqaale 34:-Suldaan cali suldaan maxamed sh.ismaaciil 35:-Oday maxamed sheekh c/laahi loodoon 36:-Sheikh Omar Ahmed Fure 37:-Oday iimaan muxumed dhidar Dhamaan dadkaa kariimka ah waa inta aan la shaqayeeyay ee aan geeridooda goob joog ka ahaa Hadaba maanta taladii waxay joogtaa intaa loo dadaalay ee halkaa la soo gaadhsiiyay masuuliyadaasi waa mid culus wax la dhamaystiray ayaa laynooga tagay oo aan hawl inooga baahnayn aan sii wadno wixii ay inooga tageen Ilaahay haw naxariisto mar labaad dhamaantood Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|