|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland oo shaacisay natiijada baadhitaan Ay ku Samaysay maydkii marxuum Cabdinaasir!
February 25, 2024 - Written by Editor:Natiijada baadhitaan cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa ku sameeyey Alle ha u naxariistee Maydkii Marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable ayaa waxa ay ku ogaadeen qaabka loo dilay inuu u dhacay Dhakhaatiir iyo khuburo caalamiya oo baadhay maydka marxuumka qaabka loo dilay iyo tacadi ay maamulka somaliya ugaysteen maydka mudadii ay gacanta ku hayeen. 1;In lagu ceejiyey oo lagu dilay xadhig, kana muuqanaysay in taas keentay in oxygen la’aan taas keentay oo muddo ciijintaas lagu hayey. 2; in Daanka midig jabnaa oo dhaawac weyn kaga yaalay 3-In Xiniinyaha dhaawac kaga yaala oo mid ka mid ahi dilaacday 4- in dhaawacyo kala oo muujinaya in muddo is difaacayey oo ay ka mid tahay in Carabka iyo Ilkuhu is galeen. 5- In Maydka Marxuumka muddadii talaaga uu ku jiray, laga saaray laydhka, taas oo ka muuqatay isbeddelka Maydka oo maamulka Cisbitaal sheegeen in ay u muuqatay in ay doonayeen inuu isbeddelo Maydku si aan loo baadhin karin Related posts:180 Rakaabkii Diyaarada Itoobiyan Airline oo Saaka U Anba Baxay Magaalada Jigjiga Si Ay Halkaasi Ug ... Isbahaysi Ka Dhan ah Raysal Wasaare Abiye Axmed Oo Lagu Dhawaaqay iyo Xaaladihii ugu Danbeeyey Dagaa... La Taliyaha Madaxweynaha Ee Arrimaha Haweenka Oo Shaaca Ka Qaaday In La Isku Dayay In Laga Saaro Shi... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|