|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidanka Dab Damiska Oo Damiyay Dab Ka Kacay Kaalinta Ilma Xiirayste Ee Magaalada Gabiley.
March 1, 2022 - Written by Editor:GABILEY(W,N)-Ciidanka Dab-demiska Gabiley ayaa maanta u gurmaday dab ka kacay kaalin shidaal lagu magacaabo Ilma Xiireyste oo ku taala agagaarka Cali Xawaash ee degmada 18 May.
Ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo daminta dabkaas, iyadoo ciidanku dabkaa ku hakiyeen halkii uu ka bilaabmay. Hantida ciidamadu badbaadiyeen ayaa kala ahayd Haamaha Shidaalka, qaybta iibka qalabka gaadiidka, lacago Somaliland Shillin ah iyo saddex Qori. Ma jirin dhimasho iyo dhaawac uu sababay dabkan.Ciidanka Booliska ayaa iyaguna dhankooda hawlgalkaa goobjoog ahaa.
Ugu dambayn ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada in dabka la soo sheego wakhti hore, si markaba ciidamada Dab-demisku ugu soo gurmadaan.
Related posts:Wefti Ka Socda Maxkamada Sare oo Deegaano Ka Mida Gabiley Ka Bilaabay Dhagaysiga Dacwado Kala Duwan Maayirka Borama Oo Digniin U Diray Dhalinyarada Xilli Habeen Hore Rabshado Dhexmaray Dhalinyaro Ay B... Diblomaasiyadii Gobolka oo U Dheeliday Dhinaca Ereteriya, Jabuuti oo Banaan Joogta iyo Farmaajo oo U... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|