|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Biyaha Jsl Oo Beeniyay In Hal Qof Haraad Ugu Geeriyooday Deegaanka Dhoqoshay, Xili Uu Hore Tvga Qaranku Ubaahiyay Warkaasi!
February 11, 2022 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Xukuumada Somaliland Ayaa warar isburinaya Kazoo saartay in hal qof deegaanka dhoqoshay ee gobolka Togdheer ugu geeriyooday haraad dartii kaasi oo warkiisa Uu tvga qaranka usheegay badhasaabka gobolka togdheer mudane maxamed cabdilaahi (nafaqo) kaasi oo uu baahiyay Tvga qaranka Somaliland ee ku hadla afka Xukuumadu. Dhanka kale wasiirka wasaarada biyaha ee Somaliland cali mareexaan ayaa beeniyay warkaasi isagoo sheegay in aanay jirin cid haraad ugu geeriyootay deegaanka dhoqoshay ismarkaana wararka laga faafiyay ay been yihiin kaasi oo ka hor imanaya warkii uu baahiyay televisionka xukuumada ee uu sheegay badhasaabka gobolka togdheer oo isagu masuul xukuumada uga ah deegaanka dhoqoshay ee arintu in ay ka dhacday la baahiyay. Hadaba wararka isburinaya ee kazoo baxaya masuuliyiinta xukuumada Somaliland ayaa noqday mid jahawareer ku riday bulshada Somaliland oo iyagu la yaaban kala socodka xukuumada iyo wararka isburinaya ee ay baahinayso in ay ka jirto deegaanka dhoqoshay ee gobolka togdheer. HALKAN KAGA BOGO WARARKA ISBURINAYA EE XUKUUMADA KASOO SAARTAY XAQIIQADA IN HAL QOF DEEGAANKA DHOQOSHAY UGU GEERIYOODAY HARAAD;
Related posts:Marwo Rooda Axmedyaasiin Oo Ka Dayrisay Xaalada Laydh La,aaneed Ee Magaalada Berbera, Eedona Ujeedis... Xildhibaan ka Aqlabiyadda Congress ka Maraykanka Oo Guddida Anshaxa Ee Golaha Ugu Baaqay In Ay Baadh... “Waan Ogahay In Bulshada Reer Somaliland Jeceshahay Wanaaga, In Aad Og Tihiin Qofka Jecel Wadankiisa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|