|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Magacaabay Gudida Diwaan Galinta Ururada Siyaasada Iyo Asxaabta Qaranka!
January 29, 2022 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Madaxwaynaha jamhuuriyada somailand ayaa digreyto madaxwayne ku magacaabay gudida diwaan galinta ururada siyaasada iyo asxaabta qaranka. Wareegto Madaxweyne : 29/01/2022. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-814/012022 uu ku magacaabay Guddida Diwaan-gelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne. UJEEDDO: MAGACAABID MarkaanArkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Qodobka 3aad ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda, Xeer Lr. 14/2011; Markaan Arkay: Qaraarka Maxkamadda Dastuurka ee Summaddiisu tahay MSD/DDL/01/2022, kuna taariikhaysan 16/01/2022; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Waxaan Go’aansaday; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo Guddida Diwaan-gelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland:
Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|