|
|||||
WAJAALE NEWS
Warbixin Laga Qoray Taariikhdii Ganacsi Ee Marxuum Ganacsade Mohamed Abdillahi Kaahin “Xoogsade”
December 6, 2021 - Written by Editor:▪︎Waxa Aan Aad u soo koobay taariikhda Ogsadey, waxa ay Ahayd in aanan soo koobin sababta oo ah waa taariikh xiiso leh. Isniin, November 22,2021 1925 Waxa ku dhashay Gabiley wiil yar oo lagu magacaabo Mohamed.Mohamed Aabihii oo lagu magacaabo Cabdilaahi Kaahin waxa uu dhintay isaga oo yar, waxana Mohamed soo korisay hooyadii oo u noqotay Aabe iyo hooyo.Mohamed waxa La dhashay Afar wiil Iyo gabadh. Sadex walaalihiis ah oo kala ah Cali, Abdilahi iyo Aden ayaa si weyn uga qeyb qaatay ganacsiga bunka, Xaaji Askar Abdullahi Ayaa ku hadhay Gabiley, waxa uuna ku dhaartay in uu magaciisa dhisayo, noqonayana nin qiime leh. Ogsadey iyo laba walaaladii ah, ayaa aakhirkii waxa ay u Guureen Itoobiya, si ay uga raadiyaan shaqo iyo mustaqbal. Ogsadey, waxa uu ahaa nin jecel dadka oo dhan, dadkana aan Iska saraysiin, waxana uu Itoobiya ka bilaabay shaqo Darawalnimo, waxana uu bilaabay in uu kaxeeyo baabuurta xamuulka. 1942, waxa uu Ogsadey iyo walaaladii ay bilaabeen shirkad lagu magacaabo M.A.O. Walaal hadii shirkadan ay kacdo maxaan samaynaa, Dire Dawa seen ugu noolaanaa? Waa su’aasha uu weydiiyey walaalkii. Ogsadey waxa uu ku jawaabay:” “.Walaal gacantayda barakaysan waa mid doolarka uu soo raadsado ee ha warwarin”! M.A.O waa magaca Ogsadey oo la soo gaabiyey ama Mohamed Abdullah Ogsadey, waxana ay noqotay shirkada ugu weyn Bariga Afrika. 60ka sano ee soo socda, waxa laga qaadi kari waayay kaalinta koobaad!.Shaqada Ogsadey ayaa ahayd in bunka Itoobiya oo dhan uu u dhoofiyo dalka Maraykanka. Walaalkii Ali, waxa uu masuul ka ahaa maamulka wax kala iibsiga ee maalinlaha ah ( Transactions ) walaalkiisa kale Aden, Ayaa waxa uu isna masuul ka ahaa, gacantana ku hayay gaadiidka alaabta. Ogsadey waxa uu dhalay 20 caruur ah, waxana jira dad badan oo uu abti u yahay, kuwo uu awoow u yahay, kuwaas oo dhamaan ku lug leh ganacsigiisa baaxada leh, waxa jira oo kale caruur uu dhalay oo jaamacadaha Maraykanka wax ku bartay. Michael Philip oo ah ninka qoray taariikhda Ogsadey ayaa qoray hadalkan hoose: “Mohamed Ogsadey waa nin doonaya in uu hubiyo in ninkasta oo qaraabo la ah la xanaaneeyo, oo dadka danyarta ah la shaqaalaysiiyo.Ogsadey waxa uu ku tilmaami jiray in jacaylka uu u qabo reerkiisa ay tahay sababta ka dambaysa guusha uu ka gaadhay nolosha iyo xoolahiisa xad dhaafka ah”. Magaca ” Ogsadey” oo macnaheeda ay tahay ” ninkii maalay muruqiisa”ayaa waxa uu aakhirkii ganacsigiisa uu ku fidiyey sadex qaaradood. HANTIDA OGSADEY; Ogsadey marna fagaare kagama uu hadlin hantidiisa.Waxa jira dood weyn oo ku saabsan inta ay le’egtahay lacagta uu haysto Ogsadey.Qiyaas ahaan waxa la sheegay in ay ahayd USD$1.8billion dollar. 1980yadii Ogsadey waxa uu ahaa maalqabeenka ugu lacagta iyo hantida badan Itoobiya, waxana halkiisa markii dambe galay oo Itoobiya ugu lacag batay Bilyaneer Mohamed Al- Amoudi. Laakiin qiyaastaas dusha ku qoran ayaa laga yaabaa in ay khaldan tahay, oo Ogsadey lacagtiisa ay intaas ka badan tahay, sababta oo ah waxa hanti kale uu ku lahaa wadamada Geeska Afrika iyo North America. Waxaa la rumaysan yahay in uu lahaan jiray shirkado badan, warshado badan iyo shirkado shidaal oo ku filiqsan caalamka. Intii uu Ogsadey ku guda jiray ganacsigiisa, ayaa waxa uu yeeshay warshado kala duwan iyo hanti ma guuraan ah oo ay ka mid yihiin kaalmo shidaal, bangiyo iyo guryaha la iibiyo oo ku yaala Maraykanka. Ogsadey, waxa la aaminsan yahay in uu yahay ninka labaad ee leh saamiga ugu weyn baanka lagu magacaabo Wegegen Bank. Maalgalinta uu ku sameeyey Baanka Wegegen oo kaliya ahaa ah boqolaal malyuun oo dollar! Waxa kale oo uu ahaa mid ka mid ah mulkiilayaasha ugu waaweyn dalka Itoobiya,waxana dhul aad u balaadhan kala wareegay xukuumadii Mengistu Haile Mariam, dhulkaas oo qiimahiisa uu ahaa malaayiin doolarka Maraykanka ah. Ogsadey ayaa xukuumadii Mengistu Haile Mariam ay ka qaaday ganacsiga bunka sanadkii 1977, laakiin dib ayaa loogu soo celiyey kadib markii uu hoos u dhac uu ku yimid ganacsiga bunka Itoobiya. ShAQADA SAMAFALKA; Ogsadey waxa uu 60kii sano ee u dambeeyey uu is badal ku sameeyey Itoobiya. Ogsadey waxa uu dhisay iskuulo, cisbitaalo, masaajidyo, waxana uu ka dhisay magaalo kasta, isaga oo xaruntiisa ay ahayd magaalada Dire Dawa. Waxa uu kafaalo qaaday tartanka baaskiilka iyo kubada cagta Itoobiya, si ay ula soo ciyaaraan wadamada kale. Waligii waxa uu la noolaa dadkiisa, ma uu jeclayn in uu dibada ku noolaado, marka kaliya ee uu dibada tagayana waxa ay ahayd marka uu soo baadhayo caafimaadkiisa, ama uu soo eegayo ganacsiga Maraykanka sida uu u socdo. Samafalkii ugu dambeeyey ayaa waxa uu ku bixiyey cisbitaalka Dil Chora oo ku yaala magaalada Dire Dawa, waxana uu siiyey lacag dhan $254,000.00. Ogsadey oo maraya meel ka baxsan Jijiga, ayaa waxa ku dhacay wadno xanuun daran, waxana uu dhintay maalin Khamiis ah, February 9,2006. Ogsadey, waxa uu u socday in uu ka qaybgalo geerida walaashii Halimo Abdullahi oo ku dhimatay Gabiley, Somaliland. DIYAARINTII; AHMED ADAM.
Related posts:DAAWO;-Shirkada Hema Books Oo Xarun Cusub Ka Furatay Xaafada Jig-jiga Yar Ee Caasimada Hargaysa. DAAWO:Suldaan Max’ed Suldaan C/qaadir Shalay & Maanta keebuu Run Ka Sheegaayaa Muuse Biixi & Maxamed... Komishanka Doorashooyinka Oo Shaaciyay Wakhtiga Ay Kaadh Qaadashadu ka Bilaabmayso Gobolada Maroodi ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|