|
|||||
WAJAALE NEWS
Abwaan Faarax Murtiile Oo Tiriyay Gabay Uu Kula Dardaarmayo Golaha Cusub Ee Wakiilada Jsl!
August 6, 2021 - Written by Editor:DAWLAD Iyo BAARLAMAAN-ku Waa Ul iyo Diirkeed! Abwaan Faarax Murtiile Gabay Cusub Oo Uu Tiriyay Abwaan Faarax Murtiile Ayuu Sheegay inuu ugu tallo-galay Golaha Cusub ee Baarlamaanka Somaliland & Waxqabadka bulshadii soo dooratay ka sugayso, ugana fadhido inay ka shaqeeyaan, waxaanu ku bilaabay:- Danbar gabay, dubaax maanso & darinta suugaanta; Dacwad erey, dabuub lays faro iyo dodo iyo sheeko; Dibno erey ka soo baxa, hadii daawo laga qaato; dabayl caafimaad gabay sidaan soo dalwinayaaye; Dhegahii daloolaa, sidii diinta how gallo; Dabanyada haddeer noo kacee, dihatay ciideydu; Dadba nimankii laga soo xulee doorteen shacabkaygu; xilka nimanka duudka u ritee, saaray dumadooda Duhur laysu soo baxay ragii DIINTA lagu dhaarshay; Aan u diro waxii dawahee shacabku doonaayo; Dawladaha aduunyada hadii laysku wada duubo; Oo ay inoo soo diraan deeq aan kala joogsan; Ma daboosho baahida, waxaan debed ka eegnaaye; Waxii dhididka loo daadiya deeqa aadmiga’e; Badoo deyran, duunyadii aynu dhaqnay & dabaka ciideena; Nimcaduu Daa’in inna siiyey baan hoosba loo deyine; Durdurada diiraaba iyo biyaha dulundulceenaaya; Hadii meelo loo kala duwoo, daadka loo xidhayo; Ninna kama dab-raaceen dhulkee, waa la degi-laa; Ku dalbada,oo dadkeena u diroo, daacad ugu hawla; Lo’da daradta, deero dhashoo, dalawo geeleena; Ee YURUB ka doondoonayow, waad delagantaaye; Adna way ku soo daba mareen dalalka aad joogto; Oo dadkiisii lahaa, nimcay kaa daldalayaane; Ee ku dalbada, dadkeena u dira, oo daacad ugu hawla; Dagaalkii SUWEYS waxuu ka dhacay, kaama diimoona; Innaguna dariiq baynu naal, dunnidu maashaaye; Dekedeena kama iibsadaan, daasad naafto ahe, Haamaha shidaal kama daraan, doorkan manta ahe; Iyagoo dawaaraynayey, dacal ka dhaafaane; Sabaraynka daadihinayaa, sii dukaansada’e; Diinaar-na kama qaadan karo, dawgay marayaane; Xaq baa iga daboolanne, inaad dabo gashaan weeye; Dambarka iyo labeenta, oo miyiga ciirta lagu daadsho; Dalagii Wajaale oo midhaha deyrta laga goosto; Cunto doorsan, daawada dhacday, iyo daalka iyo yogorta; Niman baa digaag soo dejiyo, caano daasado’e; Degdeg inuu u taajiro, raggaa suxuladow duubtay; Ganacsigan dac-furay, ee siduu doono naga yeelay; DADKU waxuu ku leeyahay, inaad dabo gashaan weeye; Ugaadhii daleel carartay, ee durugtay mooyaane; Dibin-gaalahii soo hadhay iyo diinkii dhoofsade’e; Daa’iiska keymaha ayaa dooxa loo raraye; Waa la dubay dhirtii dooxa iyo doogii xoolaha’e; Dabna waxay sudheen geedahii, daawada ahaaye; Raga dhuxusha daabulanayee, dubay u iibgeeya; Bal innaynu deerada hadhay iyo duurka laga gaadho; Ama aad dureemada baxdiyo, duurka ceentayso; Deegaanku waxuu kaa rabaa, inaad difaacdaaye; Caruur aan duruus qaadan bay dumarku haystaane; Waa dib-u-dhac weyn oo ku yimi dawladnimadeena; Waa in inanta daabiyada aan cidi danaynn joogta; Iyo inanka doobiga site, geela daajinaya; Iyo kuw adigtooradu dhalaan iyo tujaarteenu; Waa inay duruus wada bartaan, doorba waxii jooga; Degel qudha, hadaad wada furtaan dawladnimaddeena; Goboladu daleel bay ahaan, laga dareeraaye; Dabaq qudha hadday wada koaan, doorkii maamulayey; Dadku waxuu ku soo uruurayaa, dabaqay fuuleene; Sidii harar dib loo xidhay, hadday duubnayd shalay-toole; Sidii derinta waa inaad furtaan, deeqda manta-na; Doc kastoo la eegaba, dalkani waa mid daayacane; Daw iyo jid buu doonayaa, daan kastow baxa’e; Waa inaad dariiq u dhigtaan daalo iyo seylac; Dalkani waa ISLAAM, oo dhulkani waa mid DAAHIR ahe; Durdrukii fardowsaad, inuu Daa’in inna siiyo; Ifkana darajo aad naga heshaan, weligii aan duugoobin; Dabeecado shisheeyaad ayaan ciidan lagu daadin; Ayaan DIMOQORAADIYADU noqon DIIN mid lagu aaso; Oo dawga EEBE iyo sharciga lagu daboolaayo; DAWLADA iyo BAARLAMAANKU waa ul iyo diirkeed; Hadday kala dilaacaan awood daatay bay noqone; Isdugsada, is-daadihiya oo ha laysku duubnaado; Hanna kala dareerina idnkoon DOODA ku heshiinin; Dawlad iyo baarlamaanku waa dawlis iyo ceele; Hadii aan wadaan loo dardaro, noqon dastuurkeenu; Dar aan fulin ayey noqonayaan, duunyada ooman’ Dawlada iyo baarlamaanku waa dab iyo baaruud; Hadii aan dastuurkeenu noqon daw mid kala siiya; Danab iyo hilaac bay noqdaan dila sokeeyaahe; Isdugsada, is-daadihiya oo ha laysku duubnaado; Hanna kala dareerina idnkoon DOODA ku heshiinin; Dawlada iyo baarlamaanku waa daab iyo gudintii; Hadii aan distoorkeenu noqon mid isku soo daaba; Dogob iyo bir bay noqon oo midiba daan yaalo; U damqada, u diir-naxa dadkoo, raaca dannahooda; Ninna duubkii loo xidhay shacbiga yaanu ugu doobin; Duudii Binu Israa’il, markii duunyo laga yeeshay; Ee ay sida dameeraha rarteen duulkii maamulayey; Dulmigii Fircoon wadday, markuu Daa’in uga hiishay’ Ee ay dibiga sii caabudeen Muuse CS dabadiisa; Oo uu dulyimi oonkii, oo diinta laga leexshay; Ee cadhada kula duulay, ee u duday walaakiina; Adiguna dadkeygow ha noqon, qaar la duufsado’e; Is-dugsada is-daadihiya, oo ha laysku duubnaado; Hanna kala dareerinna idinkoon dooda ku heshiinin; Dawgii qudhaanjadu markii ay wada daniinaysay; Iyadoo dareere ah markii ay wada dulundulcaynaysay; Ee duqoodii ku yidhi wada digtoonaada; Adiguna dadkaygow waxbaan diirad ku arkaaye; Idinkuna dadkaygow waxbaa saaqay dunnidiiye; Is-dugsadda, is-daadihiya, oo ha laysku duubnaado; Hanna kala dareerina, idinkoon dooda ku heshiinin; Isagoon da’ weynayn markii Yuusuf CS lagu duulay; Oo walaaladii dadkow xigay markay ceel ku dalaq siisay; Daluuntii markii laga helee, ee dibedda loo saaray; Darajo ayaa Ilaah SW ugu bedelay, oo doortay keligiiye’ Dibna wuu u maamulay, kuwii dahay naftiisiiye; Adiguna dadkaygow hadday dunnidu kuu showrtay; Dibindaabyo mooyee, hadday diiday nabadaada; Is-dugsadda, oo is-daahiya, oo ha laysku duubnaado; Hana kala dareerina, idinkoon dooda ku heshiinin; Dabka olola, gaas daaraysa iyo biyo bakhtiinaaya; Dawladnnimadu waa saas, ninkii danni ka haysoowe; Intaasoo is-wada diidan, oo laysku daray weeyaane; Iyagoon darqumo geysan oon daano kala gaadhin; Ninkaan dabaq ku wada qaadi Karin, yaanu soo deyine; Awr dad-cunna, mid dilla awrta kale, heeryo mid uun daaqa; Dawladnimmadu waa saa, ninkii danni ka haysoowe; Intaasoo is-wada diidan, oo laysku daray weeyaane; Iyagoon darqumo geysan oon daano kala gaadhin; Ninkii aan dar wada keeni Karin, yaanu soo deyine; Haadka duula, daad soconaya, iyo diir aan la arkaynin; Dawladnimmadu waa saa, ninkii danni ka haysoowe; Intaasoo is-wada diidan, oo laysku daray weeyaane; Ninkaan dabaq ku wada qaadi Karin, yaanu soo deyine; Dawladnimmadu waa daabad aynu wasda duljoognaaye; Adna darewalkeedow hadaad doontii nagu qaaday; Mowjaddo dilaamaa jiroo, oo daadna hoos maro’e; Daaraanta meesha leh, inaad naga du’daa weeye; Allahayoow dariiq toosan marri, madaxdaad noo doortay; Aamiin. Related posts:Daawo: Madaxwayne Muuse Biixi Oo Lala Yeeshay Waraysi Xaasaasiya, Muxuuse Ka Yidhi Xidhiidhka Somali... Shirkii Golaha Wasiirada Jsl Oo Laga Soo Saaray Go,aamo La Xidhiidha Mushkiladaha Dhulka Iyo Isticma... Daawo: “Inaan Xisbiga Kulmiye Wax Cod Ah Idinka Helin Ayaan Habaar Iyo Duco Idiinku Wada Socdaa”.Sul... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|