Muxuu Yahay Xidhiidhka Ka Dhexeeya Hargabka Iyo Feyraska Cusub Ee Karona? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muxuu Yahay Xidhiidhka Ka Dhexeeya Hargabka Iyo Feyraska Cusub Ee Karona?
December 26, 2021 - Written by Editor:

Haddii Aad Qabto cune xanuun, madax xanuun isla markaana Aad isku aragto Duuf waxaa dhici kartaa in uu kugu dhacay Cudurka Covid-19, sida ay ka digayaan cilmi baarayaal ku sugan Dalka UK.

Kooxda cilmi-baadhista ee Zoe Covid waxay la socdeen Safmarka Iyagoo Adeegsanayay jawaab celin ka timid Dadweynaha, Waxayna ku qiyaaseen kala bar dadka qaba Calaamadaha Hargabka inay dhab ahaantii qabaan Covid-19.

Waxay cilmi baarayaasha qeexayeen kiisaska cirka isku Shareerayo ee ku saabsan feyraska cusub ee Omicron kaas oo Dalkaasi fara ba’an ku hayay toddobaadyaadii lasoo dhaafay.

Ku dhawaad 144,000 oo qof ayuu maalintii ku dhacaa cudurka, waxayna dareemaan caafimaad darro.

Inta badan, Covid waa cudur fudud. dadka uu ku dhaco qaarkood haba yaraatee wax calaamado ah iskuma arkaan.

Laakiin dadka qaarkood ee uu haleelay Covid-19 waxay dareemi karaan xanuun halis ah, dadkaas waxaa kamid noqon karaa kuwa aan la tallaalin.

Haddii aad isku aragto calaamado u eg kuwa hargabka, iska baadh cudurka Covid-19, ayuu yidhi saynisyahanka hormuudka ka ah cilmi baaristan, Prof Tim Spector.

“Dadka badankooda ee laga helay feyraska cusub ee Omicron, waxay inta badan dareemaan inay qabaan hargab, waxayna isku arkaan calaamadaha sida cune xannuun, duuf iyo madax xanuun, waxaad arrintani weydin kartaa haddii uu jiro qof saaxibka ah oo dhawaan laga helay cudurka”

Dalka UK wuxuu diiwaangeliyay kiisas gaadhaya 106,122 oo ku saabsan feyraska cusub.

Iyadoo kiisaska ay labanlaabmaan labadii ama saddexdii maalmoodba mar, khubaradu waxay sheegayaan in saraakiisha caafimaadka ay ka walaacsan yihiin cadaadiska ay tani ku keeni karto xarunta qaranka ee bixisa adeegayada caafimaad ee NHS-ta.

Daraasadaha hordhaca ah waxay muujinayaan in dadka uu ku dhacay feyraska cusub lagu arkay calaamado kala duwan sida in dad qaar lagu arkay caalamado fudud halka kuwa kalena ay si aad ula xanuunsadeen.

Dadka waxaa lagula talinayaa inay sameeyaan baadhitaanno deg deg ah si looga hortaggo fiditaanka cudurka.

Cilmi-baadhayaasha waxay sheegeen in dadka qaar ee uu ku dhacay feyraska cusub ay u sheegeen inay dareemaan “hargab xun” oo leh astaamo ay ka mid yihiin madax-xanuun, cune xanuun iyo duuf.

Ilaa hadda waxaa la ogaaday shan calaamadood oo ku saabsan cudurkan.

-Diif

-Madax xanuun.

-Daal (mid fudud ama mid daran).

-Hindhiso.

-Cune Xanuun.

 

COMMENTS
LINKS