|
|||||
WAJAALE NEWS
Fannaanada Caanka Ah Ee Qamar Harowo Oo Laga Sii Daayey Xabsi Ku Yaalla Turkiga Iyo Farriin Ay Soo Dirtay
August 5, 2016 - Written by Editor:Ankara-(Wajaalenews) Waxaa si rasmiya xorriyaddeedii u heshey fannaanadii caanka ahayd ee Qamar Cabdillaahi Harawo,oo muddo sannado ah ku xidhneyd xabsi ku yaalla dalka Turkiga, ayaa waxaa ugu dambeyn lagu guuleystay in laga sii daayo xabsiga. Qamar Cabdillaahi Barkhadle (Harawo) oo ka tirsaneyd Fannaaniintii Hobolada Qaranka Waaberi, ayaa waxay Arbacadii dib u heshay xoriyadeeda, iyadoona la dejiyay hotel ku yaala Magaalada Istanbul. Fannaanada, ayaa sanadkii 2012-kii lagu xidhey xabsi ku yaala Magaalada Istanbul, ka dib markii la sheegay in lagu qabtay qaad. Qaadka ayaa mamnuuc ka ah dalkaasi. Hase ahaatee waxay Fannaanadu beenisay inaanay shaqaba ku lahayn qaadkii lagu qabtay. Maxkamadda Magaalada Istanbul, ayaa bishii December ee sanadkii 2012-ka ku xukuntay sideed sano oo xabsi ah, waxayna tan iyo xilligaa ay xaalad adag ku wajaheysay xabsiga.
Related posts:Hogaanka Xisbiga Waddani Oo Kasoo Horjeestay Dacwad Ay Xukuumada Ka Gudbisay Gudoomiyaha Golaha Waki... Madaxweyne Muuse Biixi oo Si Ballaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Oodweyne, Mashaariicana Dhagax... Nin u dhashay Sweden una ololeeya Qaddiyadda Somaliland oo Soo jeediyey Talo uu ku tilmaamay Jidka l... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|