|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Muuse Cismaan Warsame”Muuse Geedi” Oo Ku Geeriyooday Hargaysa.
December 6, 2021 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE: 06/12/2021 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Muuse Cismaan Warsame (Muuse Geedi) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 06/12/2021, caasimada Somaliland ee Hargeysa. Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday aqoonyahan ah oo ka baxay dalka iyo dadka, doormuhiimana ku lahaa nabadayntii shacbiga Somaliland iyo dib u dhiskii dalka, kana mid ahaa wakhtigan Guddida Xuquul Insaanka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL Related posts:Prof: Cabdi Cali oo Dhaliilay Qaabkii Ciidamada Boolisku Hawl Galka Uga Sameeyeen Guriga Agaasimihii... Daawo:Urur Goboleedka IGAD Oo Xukuumada Somaliland Cadaadis Ku Saaray In Ciidanka Qaranku Aanay Dhaa... Siyaasiyiin Reer Somaliland Ah Oo Sheegay In Ay Dhexdhexaadinayaan Khilaaf Ka Dhex Aloosan Xukuumada... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|