|
|||||
WAJAALE NEWS
Gabadh Soomaali Ah Oo Loo Doortay Maayirka Magaalo Weyn Oo Ka Tirsan Mareykanka
December 8, 2021 - Written by Editor:USA(W,N)-Golaha Deegaanka magaalada South Portland ee dalka Maraykanka ayaa Deeqa Cabdi Dhalac u doortay inay noqoto Duqa magaalada South Portland Gobolka Maine ee dalka Maraykanka. Deqa Cabdi Dhalac oo ka tirsanayd Golaha deegaanka magaalada South Portland, gaar ahaan xaafadda 5-aad waxay dalka Maraykanka gashay sannadkii 1992, waxayna wax ku baratay dalka maraykanka, iyadoo in muddo u adeegaysay dadka ku nool Magaalada South Portland ee Gobolka Maine, gaar ahaa dadka soo galootiga ah. Deeqa ayaa sannadkii 2018 loo doortay Golaha deegaanka Magaalada South Portland, gaar’ahaan Xaafada 5-aad. Marwo Deqa Dhalac ayaa waxay noqnaysaa gabadhii ugu horraysay ee soo galooti Africaan Soomaali ah Muslim ah oo loo doorto Duqa magaalo ka mid ah magaalooyinka Maraykanka. Related posts:Maxaa Kasoo Baxay Gudidii Wasiir Cabdiwali Hogaaminayay Ee Xal Uhelida Khilaafka Golaha Deegaanka Ga... DAAWO;-Haweenka Ku Dhaqan Buurta Faaraxyood Ee Magaalada Boorama Oo Cabasho Xoogan Ka Muujiyay Sayli... Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Shacabka Jsl Iyo Qoyskii Uu Ka Baxay Marxuum... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|