Maayarka Caasimada Hargaysa Oo Ka Warbixiyay Safar Uu Ku Tagay Dalka Sweden Iyo Heshiishyo Muhiim Ah Uu Soo Galay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayarka Caasimada Hargaysa Oo Ka Warbixiyay Safar Uu Ku Tagay Dalka Sweden Iyo Heshiishyo Muhiim Ah Uu Soo Galay.
November 27, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Maayarka Caasimadda Hargeysa Oo Sheegay In uu Heshiisyo Caalami ah Shirkaddo Dawladda Hoose ka caawi doona Maaraynta qashinka, Dhismaha Wadooyinka, Fayadhawrka iyo Caafimaadka.

Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa sheegay inuu heshiisyo caalami ah la soo galay Shirkaddo Dawladda hoose ka caawi doona adeegyo kala duwan.

Maayarka ayaa sidan ka sheegay kulan toddobaadlaha ah Golaha Deegaanku iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka.

“Kulanka Todobaadlaha ah oo Sabti Kasta Ka dhaca Hoolka Shirarka Dawladda Hoose  oo ay ku kulmaan,Golaha Fulinta Dawladda Hoose Ee Hargaysa oo uu  Hogaaminayo Maayarka Caasimadda Mudane Cabdikariin Ahmed Mooge,Gudoomiyayaasha Degmooyinka,Agaasimayaasha Waaxaha kala Duwan,Maamulka ShirkadahaNadaafadda

Waxaa Ka mid ah Qodobadii Ka soo Baxay Kulanka.

  1. Maayarka Caasimadda oo warbixin Kooban Ka bixiyay Safaradii shaqo ee uu ugu maqnaa Dalka Dibadiisa,waxaana uu Maayarku sheegay in Heshiisyo Caalami ah uu La soo galay Shirkado Dawladda Hoose ka Caawin Doona Maaraynta qashinka,Dhismaha Wadooyinka,Fayadhawrka Caafimaadka.
  2. In Istaanada Basaska ee ku dhex jira gudaha Caasimadda Loo Sameeyo Goob ku Haboon oo ay Dadka Ka qaadan.
  3. In Caasimadda Hargaysa laga Bilaabo Dhiraynta Goobaha Muhiimka ah.
  4. Dardargalinta Cashuuraha Si Kor loogu Qaado Waxqabadka Caasimadda.
  5. Dhiirigalinta iyo Abaal marinta Shaqaalaha Dawladda Hoose gaar ahaan kuwii ugu shaqada badnaa.
  6. Dayactirka Iyo Dib u dhiska Xaruumaha ay ku shaqeeyaan Maamulka Degmooyinka Caasimadda Hargaysa.”
COMMENTS
LINKS