|
|||||
WAJAALE NEWS
Siyaasi Maxamed Jaamac Abgaal oo Si Adag Uga Horyimid Heshiiska Isfaham Ee Somaliland Iyo Itoobiya
July 25, 2024 - Written by Editor:BOORAMA(W,N)-Wasiirkii Hore ee wasarada boosaha xukuumadii axmed siilaanyo Siyaasi Maxamed jaamac abgaal oo kamid ah siyaasiyiinta reer awdal ayaa si adag uga horyimid heshiiska isfaham ee Somaliland iyo itoobiya kaasi oo itoobiya lagu siinayay in ay saldhig ciidan ka samaysato deegaanka lughaya Siyaasi abgaal ayaa sheegay in hadii xukuumada itoobiya siiso bada lughaya in ay dhalinyarada reer awdal hubka qaadan doonaan Dhanka kale Siyaasi Abgaal ayaa ka hadlay khilaafka udhexeeya somaliland iyo jabuuti. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|