Iskuduwayaasha Wasaaradaha Ee Gobolka Gabiley Oo Loo Furay Tababar Ku Saabsan Dib Uhabaynta Maamulka Maaliyada.
November 16, 2021 - Written by Editor:
GABILEY(W,N)-Wasaarada maaliyada ayaa tababar sedex cisho Socon doona ufurtay iskuduwayaasha wasaaradaha dawlada Iyo haayadaha dawlada ee gobolka gabiley.
Waxaana Tababarkan daahfuray badhasaab kuxigeenka gobolka gabiley iyo masuuliyiin ka socday wasaarada maaliyada oo faah faahin ka bixiyay ujeedada tababarkan dib uhabayn maamulka maaliyada iyo xisaabaadka dawlada.