|
|||||
WAJAALE NEWS
Hanti Dhowraha Guud Ee Somaaliya Oo Amar Culus Dul Dhigay Wasiirka Warfaafinta Somaaliya Cismaan Dube.
September 1, 2021 - Written by Editor:MUQDISHO(W,N)-Hanti-dhowrka guud ee Soomaaliya, ayaa ku Eedeeyay wasiirka warfaafinta Somaaliya, inuu si cad ugu xad Gudbay nidaamka dowliga ah islamarkaana uu sifo sharci darro Ah ku Bixiyay qeybo kamid ah dhulka tiyaatarka qaranka. War-saxaafadeed kasoo baxay hanti dhowrka Guud ee somaliya Ayaa lagu faray wasiirka warfaafinta Inuu si degdeg ah usoo Saaro qoraal rasmi ah oo lagu joojinayo heshiiskii ay Wasaaraddiisu la gashay Shirkad gaar ah oo lagu wareejiyay Dhulka tiyaatarka. Hanti dhowrka guud wuxuu u digniin u diray cid kasta oo Katirsan hay’addaha dowladda, oo isku dayda In ay heshiis Baalmarsan dastuurka iyo nidaamka dowliga ah ku maamusha Hantida qaranka. HALKAN KA AKHRI WARSAXAFADEEDKAN HANTI DHAWRAHA GUUD; Related posts:DAAWO;-Fadhigii Golaha Wasiirrada Somaliland Ee Maanta Iyo Nuxurka Qodobo Shaqalaaha Dawlada Khuseey... Daawo:Prof.Axmed Ismacil Samater Oo Booqasho Maanta Ku Tagay Magaalada Gabilay Kormeerayna Goobo Wax... DAAWO;-Jabhadii Col Caare Iyo Tiknikadii Ay Wateen Oo Si Rasmi Ugu Biiray Ciidanka Qaranka Jsl. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|