Siyaasi Xamse Khayre Oo Ka Hadlay Kor Ukaca Miciishada, Xukuumadana Ugu Baaqay In Golaha Hor keento Heshiishkii Ay La Gashay Shirkada Trafigura! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Xamse Khayre Oo Ka Hadlay Kor Ukaca Miciishada, Xukuumadana Ugu Baaqay In Golaha Hor keento Heshiishkii Ay La Gashay Shirkada Trafigura!
July 10, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Xoghayaha Ganacsiga, Dalxiiska Iyo Warshadaha Ee xisbiga mucaaridka ee wadani Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa ka hadlay sixir barar iyo kor ukaca miciishada waxyaabaha sobobay isbadalka ku yimid dunida ee raashinka iyo shidaalka dalka oo mudooyinkii ugu Danbeeyay kor ukacay qiimihiisu Iyo saamaynta uu ku yeeshay nolosha danyarta reer Somaliland.

Sidoo kale Xoghaye  Siyaasi Xamse Khayre ayaa xukuumadu ugu baaqay in ay golaha wakiilada ee cusub horkeento heshiishkii ay la gashay shirkada Trafigura oo ay hore ushaacisay in ay dalka keenayso shidaalka ismarkaana loo xidhay keenista dalka.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

 

COMMENTS
LINKS