Ma dadkaan dadkii aheyn Mise dadnimeyntii baa socota
Bahda Mareegaha Farshaxan July 13, 2021
Haweenka haddaad dishaan haddaad Kufsataan Hablaha
Hooyooyinka noqon lahaa Huq iyo ku dishaan halga
Haddaad waa heeraysaan oo Halbawlaha wada jartaan
Hadhowto halkeed ku hiran
Heblaayadaad guursanleyd Kuway Hooyadaa dhashee
Hareeraha kaa xigee Hoygana aad wada gashaan
Waxaad u horseeday baa Ogoow kuu yaal halkaa
Horaa loo yidhi waar hooy Cuqubo halkii la
Hurudaa caawa la yidhi
Haweenkuna waa hugee Hoygii gurigeena iyo hayinka
lagu guuri iyo hogaankii reeraha Gurigi aan haween laheyn
habeen iyo waa habaar Aan lagu soo hoyan Karin
Haweenkaay raaliyaay
Erayada iyo laxanka Cabdi Falaash , cod samaynta Muftuux Cadceed, codkii UBah Fahmo
“Basaska huruuda ah ee Maxamed Mooge u baxa waa saddex …” ayaa aheyd weedh kaalin mug leh ka geysatey soo qabashada eedaysanayaasha…….
Waxay aheyd habeenkii Khamiistii ee toddobaadkii la soo dhaafey (July 8,2021). Marxuumada Hinda Cumar ayaa booqatey gabadh dumaashideed ah oo degan xaafada Maxamed Mooge. Ku dhawaad ilaa 8:00pm ayey u holatey inay gurigoodii oo ku yaalay xaafada Qudhac Dheer u sii socdaasho. Waxay Hinda u dhaxdey mudane Mataan Ismaaciil Faray. Dushaashideed ayaa u sii galbisey marxuumad Hinda dhinaca xarunta basaska ee u dhaw Masjidka Jaamaca Nuuraani. Waxaa joogay xilligaa bas midabkiisu yahay huruud oo ay saarnaayeen laba wiil (dirawalka iyo kirishboyga). Hinda Dumaashideed oo ka hadleysa dhacdadaa siday u dhacdey waxay tidhi:
“Baska ayaan ka saarey xarunta Baska ee Masjidka Jaamac Nuuraani xilli ku beegnayd 8:40pm , waxaan saarey bas huruud ah.Waxay ku socotay xaafada Qudhac Dheer ,”
Muudo gaaban ka dib oo ku beegnayd ilaa 10kii habeenimo ku dhawaad ayaa la helay Hinda oo taal dhulka meel ka leexsan wadadii tageysay Qudha Dheer oo u dhaw Masjid Siraaju-Diin… Marxuumad Hinda waxaa muuqaalkeeda qariyey dhiig diidey in dadkii ugu horeeyey ee meeshaa tagey ay gartaan. Halkaa waxaa ka cad in dhib badan loo geystay marxuumad Hinda.”
Hooyo Soomaalilander ah oo ka warameysay arintaa , meeshana tagtey ayaa tidhi: “ Waxaa la igu yidhi bas ayaa inanta laga soo tuurey, dabadeedna waxaan garaacey telefoonka mid ka mid ah baslayaasha oo aan hayey.Waxaanan ku idhi baslayaashii maanta Maxamed Mooge inan ayey ku soo dileen.Baskaasina basaska caan ayuu ka yahay oo waa huruud ayaan ku idhi sida la ii sheegay , waxaanu iu yidhi Haddii uu huruud yahay lunmi maayo oo waa la garanayaa …dabadeedna wuxuu la hadlay inamo maamulka ka tirsan,uuna u sheegay in bas huruud ahi inan soo diley”.
Kooxda baslayaasha ee warka isgaadhsiiyey waxay isla garteen in Basaska Huruuda ah ee Maxamed Mooge u soo baxaa ay saddex keliya yihiin.Laba waxay joogeen goobta istaanka, midka maqan ee Xaafada Maxamed Mooge ku maqanina la isla gartey kuu yahay. Sidoo kale ayaa la helay markiiba direwalka magaciisii iyo sawraciisiiba.
Hase yeeshee direwalkii iyo kirishboygii intay gaadhigii meel galiyeen ayey suuqooga kala xuleen. Dirawalkii oo aanad moodin inuu dhagarqabeba yahay oo maqaaxi iska fadhiya, iskana shaaheynaya ayaa loo soo galey. Istaanka meherad u dhaw ayuu si baraad leh iskaga shaaheynayey. Duulkii raacdadiisa ku jirey ayaa waydiiyey : “ Xaafadii Maxamed Mooge adigaa ka yimidee, waa maxay dilkan aad soo geysatey”
Dirwelkii oo yaaban, isna yidhi ma kamarado ayey kugu hayeen, ayaa isku dayey inuu is difaaco, waxaanu yidhi: “Ninyohow haa gabadha waan sidey,laakiin meel Alla meel ay naga soo gaadhey maba garanayno, markaanu saylada mareyno ayaanu aniga iyo inankii (Kirishboygii) iswaydiinay waar inantii meeday , deetana waxaanu is nidhi aar wuxu ma jin bay bay aheyd Acuudu Bilaahi “..
Bal nin ragoow weedhaa u fiirso, dhagar intaa leeg oo qof bani’aadama oo haween ah loo geysto oo hadal xumaantaa loo sii raaciyo maxaad u malaynaysaa……..
Waxaan jeclaystay bal inaad dadka reer Soomaaliland la wadaago gef loo geysto haween siduu uula weynaa bulshada nooleyd iyo maamulkii ka horeeyey 1960kii……..
27kii bishii Janaayo ee 1953kii ayaa albaabada loo furey dugsiga hablaha ee magaalada Burco. Dugsigan ayaa ahaa dugsiii ugu horeeyey ee loo furo hablaha reer Soomaaliland.Waxaa maamul ka aheyd Miss Mclaren, waxaana kalkaalinayey Miss Naylor iyo marwo Aamina Macalin Qaasim. Sidoo kale waxaa gacan yare ka aheyd marwo Edna Aadan Dhakhtar.
Nabadgelyada taaley Dalka Soomaaliland iyo ku dhaqanka xeerarka la dhigtey ayaa waxay keenayeen inaan la isku gabood falin. Ardeyda hablaha ah ee dugsigaa dhigtaana iyagoo aan baqasho ku jirin ayey ku hoyan jireen guryahooda, aroortiina ka soo kalihi jireen. Ardeyda hablaha ee dugsigaa ku jirey oo tiro ahaan ahaa ilaa 30 hablood, ayaa ilaa 12 hablood oo ka yimid degaanada kale ee Soomaaliland ay u badnaayeen in ay hoy ahaan(Boarding School) u joogaan dugsiga. Tirada ardeyda kale waxay ku noolaayeen magaalada Burco.
Iska dhaaf in haween u dhalatey dalku ay baqasho gashee, haweenayda maamulaha dugsigaa ka aheyd ee Miss Mclaren ayaa galabta gaaban socod tamashlaa ku qaadi jirtey waddada ka baxda Burco ee tagta magaalada Sheekh, iyadoo kali ahaan u socota si ay u qaadato laydha, una hesho socod maalmeedka caafimaadka jidhka lagu ilaaliyo.
Bishii Maarso 1dii, 1953kii ayey Miss Mclaren socod tamashle iyo jimicsi ugu baxdey waddada ka baxda Burco ee tagta Magaalada Sheekh. Saacadu waxay ku beegnayd 5:45 galabnimo.Miss Mclaren socod aan dareen baqasho qabin ayey ilaa 2 mayl ka sii fogaatey magaalada Burco. Dalka way ku cusub tahay Miss Mclaren, dalka umay dhalan, badheedhaha intaa leeg waxaa ku keeni kara waad garan kartaa. Waa nabadgelyada taala dalka iyo xeerka dalka oo si cad loo fuliyo, qof walibana u hogaansan yahay.
Wiil dhalinyaro ah oo da’diisu tahay 22 jir ayaa arkey Miss Mclaren oo kaligeed tamashleynaysa. Wiilkaa wuxuu hunguri ka galey qaadashada boorsada ay degta ku sidatey. Marna hunguri kamuu galin gabadhaa dhib u geyso, gabadhaa dil, gabadhaa kufso. Markii uu wiilkaasi ku soo dhawaadey Miss Mclaren ee uu laacey boorsadeeda ayey kala boodey. Ul yar oo uu haystay ayuu gacanta yo lugta kaga dhuftey si ay u soo deyso, gacantiisa umuu quudhin inuu dhib ugu geysto. Hase yeeshee wiilkii ayaa arkey hooyo xaabo xambaarsan oo waddada ka talaabeysa meel iyaga aad uga durugsan. Muu arag rag ka dhiciya, muu arag dad awood u sheegan kara, waxaase ku qaadan waa ku noqotey in la arko isagoo haween dhib u geysanaya, waanu baxsadey oo dhinaca keyn u dhaweyd ayuu galey.
Miss Mclaren dib ayey u soo noqotey, kuna wargelisay hay’adihi u qaabilsanaa.. Ciidamadii nabadgelyada ayaa ku baxey kuna istaagey raadkiisii, soona qabtey…Waxaa si dhakhso ah loo horgeeyey maxkamada oo Xaakimkii guud (Mr. Justice Keating) ee dalka Soomaaliland ku xukumay ninkaa 6 sanno oo xadhig ah. Muddada la soo qabtey iyo muddada la xukumay umay dhaxeyn 10 cisho, Waxaaney muujineysaa muddadaas gaabani aqoonta ay lahaayeen ciidamada nabadgelyadu iyo siday hawshoodu ugu dirnaayeen garsoorayaashu.Waxaanu xaakimku sheegay in uu ku xukumay xukunkii ugu badnaa si ay cashar lama ilaawaan ah ugu noqoto dadka dhibtaa is yidhaa geysta….
Bal akhriste iswaydii oo arintaasi oo kale ma ka dhacdey Burco markaa ka dib!!!!!!!!!!
Xigasho:
Bulsho Tv : https://www.youtube.com/watch?v=HjmB6D4DU4o
Baraha Bulshada ee Facebook, Youtube, iwm..
Qolka Kaydka ee Mareegaha Farshaxan
Fu’aad Sh. Jabha
Bahda Mareegaha Farshaxan