Madaxwaynuhu wuxuu qasrigiisa ku qaabilay dumarkii la dooran waayay, waana la isku ag calaacalay. Haddaba eedayn dhaqanka dalkeenna iyo ikhtiyaarka bulshada codka bixisay inta la iska dhaafo maa dumarka wax la taro. Wax calaacal ka badan muuna qaban karin madaxwaynuhu?
Madaxwaynuhu dumarkaa wuu u hiilin karaa, hadduu dhammaan badhasaabyada dalka iyo xoghayayaasha dawladaha hoose ku beddelo dumarkaa. Waa labada jago ee laga maareeyo dhaqaalaha gobolka iyo ka degmada, wuxuu madaxnuhuna sharci u leeyahay magacaabiddooda. Waxay dumarku awood iyo aargoosi u helayaan inay maayaradii reernimo iyo NINNIMO lagu soo doortay ay xiniinyaha maroojaan, oo ay iyagu (dumarku) maamulaan dakhliga iyo mashaariicda magaalooyinka. Waxa kale oo la mid ah hadduu dumarkaa u magacaabo: wasiirada dastuurka, maamulka kharajka iyo mushaharka baarlamaanka iyo wasiirka xidhiidhka golayaasha, si xildhibaanada baarlamaanku dumarkan u hoosyimaadaan. Dumarkaa qaarkoodna waa inuu ka dhigaa la taliyaha madaxwaynaha xagga xidhiidhka beelaha, suldaanada iyo oday-dhaqameedka. Suldaan kasta iyo oday-dhaqameed walba oo madaxwaynaha muraad u leh waa inuu dumarkaa soo mara, oo uuna madaxwayne arki karin, haddayna dumarkaasi soo ansixin.
Madaxwaynuhu wuu u hiilin karaa dumarka doorashooyinka dambe, haddii xisbiyada xeer looga dhigo inay iyagu soo samaystaan liiska musharraxiinta, imika arrinta musharraxiinta waxay siday u dhan tahay gacanta ugu jirtaa oday-dhaqameedka. Laakiin miyey rabaan madaxada siyaasadda Somaliland (xisbiyada iwm) inay dumarka hanka siyaasadeed leh, si dhab ah u badhi taageeraan? Aarmay kursigoodaba dumar uga baqanayaan!
Wa Billahi tawfiiq,
QALINKII; Ayanle Amir Bidde