1;Doorashooyinku marka koowaad waa xaq dastuuri ah oo ay leeyihiin muwaadiinta jamhuuriyada Somaliland si ay u soo xushaan masuuliyiinta ku matali lahaa kuraasta qaranka ee doorashooyinka ku yimaada .
2;Doorashooyinku waxa ay ka mid yihiin nidaamka dimuqaradiyadeed ee qaranka jamhuuriyada somaliland qaatay oo ah habka ururada siyaasada iyo axsaabta badan oo uu jideeyey dastuurka dalku.
3;Sida ku cad qodobada dastuurka dalka jamhuuriyada Somaliland oo ah ka ugu sareeya ee dalka iyo dadka Somaliland sameysteen in la isku dhaqo , waxa ku cad qodobadiisa 9aad , 22naad iyo 23naad xuquuqda muwaadinka iyo kaalintiisa siyaasadeed.
4;Waxa ay saldhig iyo sees u yihiin xasiloonida dalka iyo isku niyad furnaanta dadka jamhuuriyada Somaliland , maadaama oo uu qofku ku soo bixi karo doorasho ma jirto wax ku kalifaya wax ka soo horjeeda nidaamka dalka hadii aan lagu kalifin.
JOOGTEYNTA DOORASHOOYINKA IYO FAAIIDADA AY LEEYIHIIN.
1;Doorashooyinka dalka oo la joogteeyaa oo mid waliba ku qabsoontaa xiligii loogu talo galay waxa ay ka qayb qaadanaysaa horumarka dalka oo nidaam ahaan iyo dhisme ahaan isku raaca.
2;Waxa lagaga badbaadayaa kalitalisnimo iyo halaag ku dhaca umada sidii hore u soo dhacday , sidoo kale dalal badan oo kalena haysata .
3;Waxa ay soo saarayaan sumcada iyo wanaaga qaranka jamhuuriyada Somaliland waxaana ay sumcad iyo wanaag kaga kasbanaysaa aduunka kale , sidii hore u soo dhacday 6 dii doorasho ee hore.
4;Waxa ay soo dhaweynaysaa xidhiidhka beesha caalamka iyo jamhuuriyada Somaliland waxaana ay kor u qaadayaan meeqaamka qaranka .
WAAJIBAADKA KA SAARAN XUKUUMADA DOORASHOOYINKA
1;Xukuumad kasta oo dalka loo doortaa waxa uu waajibaad qaran ka saaran yahay ilaalinta shuruucda iyo xeerarka dalka , xuquuqaha muwaadiniinta oo dhinacwalba ah oo ay ka mid yihiin xaqa wax doorashada iyo ta la doortaha.
2;Ku daba taagnaanta hay’adaha ku shaqada ku leh iyo in dabada ay ka riixdo wax walba oo caqabad ku ah doorashada sidii hadda ay sameysay xukuumadu.
3;Qabsoomida doorashada oo ay u diyaariso dhaqaalihii lagu qaban lahaa marwalba iyo wax walba oo ay u baahan yihiin si aynu uga maarano gacan qabasho iyo kaalmo shisheeye.
DOORASHOOYINKII HORE IYO SIDII SOMALILAND ADUUNKU UGU QIIMEEYEY.
Doorashooyinkii hore ee Somaliland oo ahaa 6 doorasho oo dhacay xiliyo kala wada duwan iyo duruufo adag oo u badnaa doorashooyin ku cusub dalka marka laga reebo doorashada madaxweynaha oo 3 goor la qabtay waxa ay Somaliland ku soo jeediyeen indhaha caalamka waxaana lagu tilmaamay nal ka soo ifay geeska Africa.
Warbaahinta aduunka qaarkood ayaa ku tilmaamay in ay Somaliland tahay mucjisada Africa markii la arkay waxa ay qabsatay iyo sida ay u qabatay doorashooyinkaasi oo ahaa wax ku cusub gobolka geeska Africa oo ay daashatay mucangagnimo iyo kalitalisnimo.
Waxa ay u sahashay xukuumadihii hirgaliyey in wadamada waaweyn ee aduunku marti galiyaan madaxweynihii Somaliland ,tusaale madaxwayne daahir rayaale kaahin wada lagu martiqaaday halka looga taliyo dawlada aduunka ugu quwada weyn ee maraykanka ( state department ) sidoo kale waxa lagu casuumay chatamhouse iyo house of commons oo ah meelaha dalka ingiriiska looga taliyo laguna soo bandhigo waxa ay qabsadeen dadku .
DIB U DHACA DOORASHOOYINKA IYO WAXII AY SOMALILAND KALA KULANTAY
Dib u dhacyo aan daruuri aheyn oo ku dhacay doorashooyinka dalka ayaa Somaliland waxa ay kala kulantay in dhawr goor doorashooyinkeega beesha caalamku soo farogaliso si ay u xaliso khilaafyadii jiray waxaana ka mid ahaa heshiiskii April 2009 madaxtooyda Somaliland ay axsaabta siyaasada iyo xukuumadu ku galeen.
Sidoo kale waxaa ka mid ahaa dhawr goor oo waxii ka dambeeyey 2010 oo ay doorashooyinku ragaad sii noqdeen beesha caalamku Somaliland ku boorisay in ay doorashooyinka qabato khilaafyada jirana la dhameeyo iyaga oo soo jeediyey xalal badan oo dhawr ah.
Markii dambena waxaaba ay noqdeen beesha caalamku juuri la isku dacweeyo oo hadba xisbiga mucaaridka ahi marka uu garawsho ka waayo xukuumada joogta uu xageega u cararo , taasi oo ah mid aan u wanaagsanayn jamhuuriyada Somaliland.Iyo dadkii Somaliland oo ka niyad jabay doorashooyinka ka dib markii gole kasta oo la doortay uu mudo xileedkiisii sharciga ahaa laban laab iyo in ka badan talada qaranka iska fadhiyo iyo waliba tabashooyin is badel la’aan oo kor usii kacaya , waana sababtii doorashooyinka ugu dambeeyey dadka loola baryayey in ay is diwaan galiyaan iyo in ay codeeyaan , waxaana tusaale nool ah marwalba tirada is diwaan galisa iyo inta codeysa farqiga weyn ee u dhexeeya.
DOORASHOOYINKA ISKU SIDKAN EE SOMALILAND GASHAY 31-05-2021 IYO REJADA LAGA FILAYO.
Somaliland waxa qabsoomay doorashadii 7aad ee dadwaynuhu si toos ah codkooda ugu codeeyaan uguna soo saaraan cidii ay rabaan marka laga reebo aftidii dastuurka ee lagu ansixiyey nidaamka dimuqaradiyadeed ee jamhuuriyada somaliland iyo habka axsaabta badan oo dastuurka dalku qeexayo taasi oo dhacday 31-05-2001 , waxaana labaatan jirsaday nidaamka dimuqaradiyadeed iyo doorashooyinka tooska ah.
Doorashadani ugu dambaysay waxa ay ahayd mid ka duwan kuwaa hore sababta oo ah waa markii ugu horeysay ee doorasho labo gole ama laba doorasho hal mar la wada qabto , labadani doorasho oo dhaafay mudo xileedyadii dastuuriga in badan , taasi oo kaliftay in umadu isa soo taagto.
Doorashadani waxa lagu hab qiiro wadaniyadeed iyo rabitaan shacab oo isbadel doon ah , waxaana laga filayaa in ay rejo iyo yidiidiilo waxa qabad muuqda yeelan doonaan dadka la doortay gaar ahaan goleyaasha deegaanka oo aad isha loogu hayaa.
Waxa ay nooleeyeen sumcadii qaranka oo waxaa ina soo eegaya indhaha caalamka oo dhan iyaga oo ay yimaadeen goob joogeyaashii ugu heerka sareeyey uguna miisaanka cuslaa intii ay somaliland doorasho galaysay , taasi oo ku tusaysa sida somaliland loo danaynayo , iyada oo aynu og nahay in doorashooyin laga qaban kari laayahay dawladaha aynu jaararka nahay , qaarna ay qabsadeen doorasho muuqaal doorasho uun leh laakiin aan macnihii iyo ujeedadii laga doonayay jirin.
Waxa sidoo kale abuurantay rajadii in doorashooyinku dhacaan oo mudadii ugu dambaysay qaranka ku keenay hoos u dhac dib u dhaca iyo mudo korodhsigii badnaa ee doorashooyinka , waxaana golaha wakiilada cusub laga sugayaa in ay xeerar badan oo ay kuwa doorashooyinku ugu horeeyaan hagaajin doonaan isla markaana xukuumada kula xisaabtami doonaan waajibaadyadii loo soo doortay.
GEBO-GEBADII GUUD AHAAN DOORASHOOYINKA IYO WAXA AYNU KA DOONAYNO.
1;Doorashooyinka waxa aynu ka doonaynaa in ay noqdaan qaar xor iyo xalaal ah oo daah furan , oo dadka jamhuuriyada Somaliland u horseeda horumar , walaalnimo iyo is jacayl.
2;Doorashooyinka waxa aynu ka doonaynaa in ay dalka horseedaan nidaam siyasaadeed oo xasiloon oo leh hore u socod , sidoo kale dadka u horseeda is dhexgal iyo in ay afkaar ku midoobi karaan iyaga oo kala gobolo ah kala degmooyin ah , kala qabiil ah.
3;Doorashooyinka waxa aynu uga baahanahay in ay noqdaan qaar jamhuuriyada Somaliland ugu soo dara oo aan uga sii darin isla markaana halka uu dalku maanta taagan yahay meel ka wanaagsan gaadhsiiya.
4;Doorashooyinka waxa aynu uga baahanay in ay inoo soo saaraan hogaamiyeyaal iyo adeegayaal wanaagsan oo dalka iyo dadka jamhuuriyada Somaliland mahadiyo .
5;Doorashooyinka waxa aynu ka doonaynaa in ay nooleyn iyo shidaal u noqdaan hanaanka dimuqaradiyadeed iyo nidaamka doorashooyinka ee axsaabta badan oo uu dalku hiigsado dunida horumartay dadkiisuna helaan xuquuqaha siyasadeed , nololeed , cilmiyeed , diimeed , dhaqameed , iyo baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha lagama maarmaanka u ah.
QALINKII; Mohamed Abdi Jama “Mohamed Dhimbiil”
Hargeisa , Jamhuuriyada Somaliland