|
|||||
WAJAALE NEWS
๐ช๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฟ๐ธ๐ถ๐ถ U๐ด๐ D๐ฎ๐ป๐ฏ๐ฒ๐ฒ๐๐ฒ๐ E๐ฒ Caasimada Gobolka Tigrey Oo Ay La Wareegeen Jabhada TPLF.
June 28, 2021 - Written by Editor:ITOOBIYA(W,N)-Ciidamada Tplf Ayaa caawa la wareegay gacan ku haynta caasimada gobolka tigreey ee maqale ooh ore loogu jabiyay TPLF. Sidookale waxaa gabi ahaanba iskaba baxay maamulkii ku meel gaadhka ee uu soo dhisay raysalwasaare abiye axmed iyo ciidamadii dawlada fadaraalka itoobiya. Magaalada maqale ayaa waxaa ka socda dabaal degyo ay dhigayaan shacabku iyo ciimadii soo galay ee tigrey. Halka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu sheegay inuu caawa la xidhiidhay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, isla markaana uu ku rajo wayn yahay in la joojin doono Colaada Gobolka Tigrey. Guterres wuxuu xusay iney lagama maarmaan tahay in la ilaaliyo dadka rayidka, gargaarka bani aadanimana la gaadhsiiyo dadka ubaahan isla markaana xal Siyaasadeed loo helo. Geesta kale Dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqay xabad-joojin. Warย ka soo baxay xafiiska raysalwasaaraha ayaa lagu sheegay in xabbad-joojintu ay maanta ka bilaabmayso. Waxa ciidamada la faray in ay u hoggaansamaan go’aanka Xabbad-joojinta. Madaxweynaha Ismaamulka Gobolka Tigray Abraham Belay ayaaย uu ku dhawaaqay xabbad joojin. sida ay baahisayย Warbaahinta dawladda ee EBC. Abraham iyo maamulkiisa ayaaย iskaga baxay magaalada Mekelle. Ciidamada Eritrea ayaa lagu soo warramayaa in ay dib ugu gurteen xuduudda dalkooda, kadib hawlgallo ay gudaha Ethiopia ku galeen dhawr bilood ka hor, halkaasi oo ay ka gaysteen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo lagu eedeeyay in ay ka gaysteen gobolka Tigray. WIXII KASOO KORDHA KALA SOCO WARARKEENA DANBE. Related posts:Ehelada Gabadhii Uu Dhaawaca Culus Uu Gaadhsiiyay Libaaxu Oo Ka Hadlay Xaaladeeda Iyo Sidii Ay Wax ... โSomaliland Waxaa Na Kala Qaybiyay dhibaato iyo duruufo badan Waana Garab Naga Maqan, diyaar Ayaanu ... Maareeye Ku Xigeenka Dekeda Berbera Oo Ka Jawaabay Eedo Uu Gudoomiyaha Xisbiga Waddani U Soo Jeediya... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
๏ปฟ |