|
|||||
WAJAALE NEWS
Taageerayaasha Maayar Maxamed Amiin Oo Wacdaro Ka Dhigay Isku Soo Bixii Kulmiye Ee Fagaaraha Magaalada Gabiley
May 24, 2021 - Written by Editor:GABILEY(W,N)-Xisbiga kulmiye ayaa maanta iskugu soo baxay fagaaraha khariyada Ee Magaalada gabiley oo ay ahayd maalintii ololaha uu u lahaa Taasi oo ay kusoo bandhigeen musharixiinta wakiilada iyo deegaanka xisbiga kulmiye uga sharaxan gabiley Awoodooda Taageero. Hadaba Taageerayaasha Maayarka magaalada gabiley Maxamed Amiin Cumar cabdi oo markale usharaxan golaha deegaanka ayaa fagaaraha gabiley iyo goobaha ay ku yaalaan xafiisyadiidu kusoo bandhigay cududooda taageero kuwaasi oo wacdaro ka dhigay fagaaraha khariyada gabiley iyagoo lulayay calanka kulmiye iyo astaanka musharax Maxamed Amiin ee 201. Sidoo kale maayarka musharax amiin ayaa taageerayaashiisa kala hadlay fagaaraha huteelka taj plaza ee magaalada gabiley oo ay iskugu yimaadeen isagoo uga mahad celiyay sida qiimaha leh ee ay umuujiyeen taageeradooda, HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;
Related posts:Wargeyska Caalamiga Ah Ee The Economist Oo Warbixin Ka Qoray Xidhiidhka Diblomaasiyadeed Ee Somalila... Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Jsl Oo Xadhiga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Maxkamadda Rafcaanka Gobol... Cabdiraxmaan Saylici oo Dhibtii Iyo kala Qaybinta Uu Shan Sano ku Hayay Gobolka Awdal Ay Bulshada R... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|