|
|||||
WAJAALE NEWS
Hogaanka Xisbiyada Qaranka Jsl Oo Kulan La Yeeshay Goob Joogayaal Caalamiya Oo Somaliland Uyimid La Socodka Doorashada Wakiilada Iyo Deegaanka
May 29, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Hoggaanka sare ee Saddexda Xisbi Qaran ee Jamhuuriydda Somaliland ee Ucid, Kulmiye Iyo Wadani ayaa kulan la qaatay Wefdi isugu jira Safiirro iyo Diblomaasiyiin ka socday dalalka Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageera hanaana doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda oo dalka u yimid arrimaha doorashooyinka isku sidkan.ee wakiilada iyo deegaanka oo bisha 31may ka qabsoomay dalka. Wefdiga ka socday saaxiibada Somaliland ayaa ay kala yihiin Wufuud ka socota 9 dawladood iyo 9 Danjire kuwaas oo ay wehelinayaan Diblomaasiyiin sarsare si ay ugu kuurgalaan arrimaha doorashooyinka JSL ee qabsoomaya 31-ka May. Xisbiyada iyo Beesha Caalamka ayaa iska xog wareystay habsami u socodka hawlaha doorashooyinka isku sidkan, waxaana ay weftiga Beesha Caalamku tilmaameen in ay u socdaan dhiirri-gelinta Xisbiyada, is-barbar istaagga dimuqraaddiyadda Somaliland iyo la socodka sida ay u socdaan u diyaar-garowga doorashada iyo waliba sida ay u qabsoomayaan. Dalalka Beesha Caalamka iyo Xisbiyada ayaa si weyn uga soo wada shaqeeyay sidii ay doorashadu u suurto geli lahayd, isla markaana dedaal weyn geliyay in ay Somaliland ka qabsoonto doorasho la isla wada ogol yahay oo isku sidkan. Madaxda kulanka uga qayb gashay Xisbiga WADDANI ayaa kala ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Dr Cabdiraxmaan Cirro, Guddoomiyaha KMG Xil Cabdilqaadir Jirde iyo Xoghayaha Gaarka ah Mudane Cabdulqaadir Iidle. Sidoo kale xisbiga Ucid ayaa waxaa kulan uga qaybgalay Gudoomiye faysal cali waraabe Halka xisbi xaakimka kulmiyena ay uga qaybagaleen gudoomiye kuxigeenka koowaad ahna wasiirka arimaha gudaha iyo gudomiye kuxigeenka labaad ee xisbiga axmed cabdi dheere.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|