Dawladnimadu Waa hab is maamul iyo kala dambayn oo ay ku heshiisay dad meel wada degan oo leh dhul ay ku xukunto dad ay xukunto iyo qaabka loo xukumayo oo ah wax qeexan oo la isla yaqaano oo laga wada raali yahay.
Nidaamka dawladnimo waxa saameyn ku leh oo seeskeeda marwalba lagu bineeyaa laba qodob oo waaweyn marka aad eegto soomaalida kuwaasi oo kala ah taariikhda oo ah sidii hore ee wax u soo jiri jireen iyo dhaqanka oo kaalin mug leh ku leh bulshada soomaaliyeed meelwalba ha ku noolaadeen e.
Waxa aan tusaaleyaal u soo qaadan doonaa qaab dhismeedka loo dhisay golaha xeer dejinta Somaliland gaar ahaan wakiilada oo laga soo qaatay in la raad raaco 33 kursi 1960 kii markii dawlad ugu horeysay ay Somaliland yeelatay iyo nidaamka soomaaliya dawladeeda lagu dhisay ee loo yaqaan 4.5 , sidaasi oo kale dhaqanka waxa aan ka xusi karnaa kaalintii ay ku lahaayeen dib u heshiisiintii nabadayntii iyo hub ka dhigistii shacabka jamhuriyada Somaliland.
Waxa iyaguna jira saameyn kale oo taban oo ay ku leeyihiin taariikhda iyo dhaqanku dawladnimada , dadka soomaalidu waa mushtamac u nool hab qabiil , inta ugu badan noloshooda waxa saameyn ku leh taariikhda maadaama loo noolaa hab qabaail oo aan qabiilna qabiil kale maamuli jirin , raadkaasi waxa uu ragaad ku noqday dawladnimada soomaalida meel walba ha joogeen e oo waxa uu abuuray is indho buuxin la’aan iyo is aaminaad la’aan in wax la wada yeelan karo.
Marka aynu xaga dhaqanka eegnana maadaama oo ay dadka soomaaliyeed u soo noolaayeen hab qabaail ah oo maamulkooga leh sida garaadada ,suldaanada ,boqorada,isimada ,islaamada ,ugaasyada , malaaqyada iyo magac wal oo kale oo loo yaqaanba ay u talin jireen waxa ay leeyihiin qab uu abuuray noocaa loo noolaa oo ah in la kala sareeyo ama qofwaliba kiisa mid ka sareeyaa aanu jirin , taasi waxa ay sababtay in aan dawladnimada iyo nidaamka casriga ah ee maanta aduunka la isku maamulaa si wanaagsan u shaqeyn kari waayo.
QALINKII; Mohamed Abdi Jama “Mohamed Dhimbiil”