|
|||||
WAJAALE NEWS
Masar Iyo Jabuuti Oo Ka Wada-Hadlay Muranka Biyo-xidheenka GERD Iyo Deganaanshaha Geeska Africa
April 16, 2021 - Written by Editor:Jabuuti(W,N)-Madaxweynaha Masar, Cabdifatax El-sisi waxaa xalay Khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay dhigiisa Jabuuti, Ismaaciil Omar Geelle, iyagoo ka wada hadlay Xidhiidhka labadooda dal, Xal-u-helida Muranka Biyo-xidheenka Ethiopia ee GERD, Deganaanshaha iyo Ammaanka Mandiqada Geeska Afrika iyo Badda Cas. Madaxweyne El-sisi waxa uu Madaxweyne Geelle ugu hambalyeeyey Dib-u-doorashdisa, wuxuuna u rajeeyey inuu ku guuleysto Horumarada ay hiigsanayaan dadka Reer Jabuuti. Hadal-qoraal oo ka soo baxay Madaxtooyada Masar ayaa lagu sheegay inay Labada Madaxweyne isku waafaqeen baahida loo qabo xal-u-helista Khilaaafka Biyo-Xidheenka Ethiopia ee GERD, si looga baaqsado saamaynta xun ama taban (Negative Impact) ee wax u dhimaya Ammaanka Gobalka iyo Deganaanshaha. Madaxweynaha Masar waxa uu tilmaamay inay Masar ka go’an tahay baahida loo qabo in Heshiis dhammaystiran oo sharciyeysan laga gaadho Buuxinta iyo Hawlgalka ee Biyo-xidheenka weyn ee Ethiopia (GERD). Wareegyadii Wada-xajoodyadka ee u dhexeeyey Masar, Sudan iyo Ethiopia ee ku aadan Biyo-xidheenka GERD ayaa lagu guul-daraystay, iyadoo Dowladaha Masar iyo Sudan ku eedeeyaan Dowladda Ethiopia fashilka Kulamadaasi. Ethiopia waxay kaloo sheegtay inay buuxinta Biyaha ee Biyo-xidheenka dhamaystiri doonaan bisha July haddii Heshiis la gaadho iyo haddii kaleba COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|