Maansadan dulucdeedu waa in shacab weynaha reer Somaliland lagu wacyi-geliyo; SIDAY WAX U DOORANAYAAN. Waxay diiradda saaraysaa ka fiirsashada kala xulashada Musharraxiinta dalka ee u tartamaya doorashada innagu soo Foolka leh.
Waxa aanay soo baxday 16.Feb. 2021. Ugu dambayn maansadu Waxay dhiiri-gelinaysa in sifooyinka wanaagsan mas’uulka lagu Doorto, lagana feejignaado in loo cumaamado qof la lagu Hungoobi doono xilka loo igmanayo gudashadiisa.
Digtan ii baxaysiyo
Quuloow durbaannada
Laysku dooran maayee
Damaciyo kursiga sare
Markay doorashada tahay
Damman iyo hal-dooriyo
Dadku maanta kala baray
Lugo duwashadiisiyo
Damalkiyo hadhkuu rabo
Nin u daadahayn kara.
Ducufiyo kanay xiga
Laysku dooran maayee
Waxaa laysku daba gali
Ama laysku door-bidi
Shicib waayo daranoo
Kala daran kusoo jiray
Nin u diran siduu rabo.
Dhaaxay dad qalatadu!
Noo kala dambaysee
Adna duubka noo xidho
Laysku dooran maayee
Waxaa looga diga-rogan
Mar ku dagge hadduu shalay
Kugu daggay dantiisii
Adna maanta haw dagan.
Dhafoor dakhar ku yaalaan
Nabar kale dul dhigayaa
Laysku dooran maayee
Fikir durugsan baa yidhi;
Waxaad doonaysana gudo
Waxaad diidaysana garo
Noloshana ha galin diiq.
Dabno beenta quutiyo
Dhago bari dabooshoo
Ku dalaca fartiinaa
Laysku dooran maayee
Dagamsane il-duuf jecel
Waxaa daaqad kala bixi
Sidu rabo dadwaynuhu
Nin dariiqa ula mara.
Distoorkaynu dhiganiyo
Sharcigeenu waa dabar
Danyartiyo ninkaw diran
Lagu kala dabbaalee
Nimaan daacad simi karin
Igu daba-gal taan rabo
Laysku dooran maayee
Waxaa laysku dubaridi
Rag u dhaama duulkaa
Laga dumay dhankoodiyo
Baarlamaankan dacaroow
Ilaa doorkan maantaa
Labadooda daaniyo
Dalqadooda oo qudha
U danaysanaayee
Dacalkoodii laga jabay.
Deellaydu Siidhoow
Waa talo dardaarana
Waxay nooga digaysaa
Kala doorashada laba
Lagu durro ka liitee
Xulo daahir yaa shamis
Nimay diini hagaysoo
Caqligiisu dihin yahay.
Xulo daahir yaa shamis
Ruuxaan dinaahiga
Sidii dibi tigaad cunay
Kula jiidhin dibbirada.
Xulo daahir yaa shamis
Ruuxaan ka dawdamin
Darka yaal dhexdeenoo
Damiirkiisu nool yahay.
Xulo daahir yaa shamis
Haddii ay daruuruhu
Dusha kaa hadheeyaan
Diric soo sasabi kara
Marka uu duceeyaba.
Xulo daahir yaa shamis
Nimaan dalab lahayniyo
Diric laysku aamino
Digaaliyo nin daahira
Laysku doorsan maayee
Xulo daahir yaa shamis
Danta qaranku leeyahay
Nin daluun ka bixin kara
Dalcad dheerna marin kara.
Xulo daahir yaa shamis
Haddii duulimaad dhaco
Dalka iyo dadkiisaba
Nin dagaal u gali kara
Cadawgana ka daafaca.
Xulo daahir yaa shamis
Qofka doonistiisiyo
Damaciisa rabitaan
Isagoo ku daba jira
Danta guudna wadi kara
Xirrib-durugsanaantiyo
Dun ku xulashadiisana
Ninka ragga ku daba soco.
Xulo daahir yaa shamis
Arrimaha dadwaynaha
Daraf iyo ilaa daraf
Lagu dooge lagu dago
Lagu dire kuu dan ah
U damqade daryeel badan
Dabacsane u daacada
U darbane dedaal badan
Kama daale hiigsiga
Ka dakaami waayoo
Rabitaanka dihan kara.