|
|||||
WAJAALE NEWS
Halkanka Akhri; Maansada “Adaa Duubka Noo Xidho… Ereyadii Abwaan Cabdi-Tahar.
April 13, 2021 - Written by Editor:Maansadan dulucdeedu waa in shacab weynaha reer Somaliland lagu wacyi-geliyo; SIDAY WAX U DOORANAYAAN. Waxay diiradda saaraysaa ka fiirsashada kala xulashada Musharraxiinta dalka ee u tartamaya doorashada innagu soo Foolka leh. Waxa aanay soo baxday 16.Feb. 2021. Ugu dambayn maansadu Waxay dhiiri-gelinaysa in sifooyinka wanaagsan mas’uulka lagu Doorto, lagana feejignaado in loo cumaamado qof la lagu Hungoobi doono xilka loo igmanayo gudashadiisa. Digtan ii baxaysiyo Quuloow durbaannada Laysku dooran maayee Damaciyo kursiga sare Markay doorashada tahay Damman iyo hal-dooriyo Dadku maanta kala baray Lugo duwashadiisiyo Damalkiyo hadhkuu rabo Nin u daadahayn kara. Ducufiyo kanay xiga Laysku dooran maayee Waxaa laysku daba gali Ama laysku door-bidi Shicib waayo daranoo Kala daran kusoo jiray Nin u diran siduu rabo. Dhaaxay dad qalatadu! Noo kala dambaysee Adna duubka noo xidho Laysku dooran maayee Waxaa looga diga-rogan Mar ku dagge hadduu shalay Kugu daggay dantiisii Adna maanta haw dagan. Dhafoor dakhar ku yaalaan Nabar kale dul dhigayaa Laysku dooran maayee Fikir durugsan baa yidhi; Waxaad doonaysana gudo Waxaad diidaysana garo Noloshana ha galin diiq. Dabno beenta quutiyo Dhago bari dabooshoo Ku dalaca fartiinaa Laysku dooran maayee Dagamsane il-duuf jecel Waxaa daaqad kala bixi Sidu rabo dadwaynuhu Nin dariiqa ula mara. Distoorkaynu dhiganiyo Sharcigeenu waa dabar Danyartiyo ninkaw diran Lagu kala dabbaalee Nimaan daacad simi karin Igu daba-gal taan rabo Laysku dooran maayee Waxaa laysku dubaridi Rag u dhaama duulkaa Laga dumay dhankoodiyo Baarlamaankan dacaroow Ilaa doorkan maantaa Labadooda daaniyo Dalqadooda oo qudha U danaysanaayee Dacalkoodii laga jabay. Deellaydu Siidhoow Waa talo dardaarana Waxay nooga digaysaa Kala doorashada laba Lagu durro ka liitee Xulo daahir yaa shamis Nimay diini hagaysoo Caqligiisu dihin yahay. Xulo daahir yaa shamis Ruuxaan dinaahiga Sidii dibi tigaad cunay Kula jiidhin dibbirada. Xulo daahir yaa shamis Ruuxaan ka dawdamin Darka yaal dhexdeenoo Damiirkiisu nool yahay. Xulo daahir yaa shamis Haddii ay daruuruhu Dusha kaa hadheeyaan Diric soo sasabi kara Marka uu duceeyaba. Xulo daahir yaa shamis Nimaan dalab lahayniyo Diric laysku aamino Digaaliyo nin daahira Laysku doorsan maayee Xulo daahir yaa shamis Danta qaranku leeyahay Nin daluun ka bixin kara Dalcad dheerna marin kara. Xulo daahir yaa shamis Haddii duulimaad dhaco Dalka iyo dadkiisaba Nin dagaal u gali kara Cadawgana ka daafaca. Xulo daahir yaa shamis Qofka doonistiisiyo Damaciisa rabitaan Isagoo ku daba jira Danta guudna wadi kara Xirrib-durugsanaantiyo Dun ku xulashadiisana Ninka ragga ku daba soco. Xulo daahir yaa shamis Arrimaha dadwaynaha Daraf iyo ilaa daraf Lagu dooge lagu dago Lagu dire kuu dan ah U damqade daryeel badan Dabacsane u daacada U darbane dedaal badan Kama daale hiigsiga Ka dakaami waayoo Rabitaanka dihan kara. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|