|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Abwaan Cabdiraxmaan Abees Oo Maansada “Doonyo Qaad” Ku Cabiray Xaalada Dalka Iyo Sida Ay Bulshada U Kala Qaybiyeen Kuwii Ay Xilka Udhiibteen.
February 12, 2021 - Written by Editor:Markay Daaf U Dhuratee Dirqi Iyo Itaal tahay Runta Dabarka lagu xidho La fasaxo Dabuubaha Doc faruurka beenaha Xaqa daah ku qariyaan Afku juuqda daayee Dibno Aamusaanee Nin dabcaa ka talo baxo Ama laga danaystee Bulshadiyo dadkayguna Doonya-qaad ay waayaan Isku xidha dareenada Dabka waayir qaadiyo Dallad baan u noqon jiray Deyra dhaafyadaa galay Ay ku diirsadaaniyo Dugsi Iyo gabood weyn.Abwaan Abees HARGAYSA(W,N)-Abwaan Cabdiraxmaan Abees Oo kamid ah Dhalinyarada Reer Somaliland ee hal abuurka ah ayaa caawa Bandhig suugaan ku qabtay huteelka maansoor ee magaalada Hargaysa Kaasi Oo ugu Magac daray “Halna Dheh 2” Taasi oo ay kasoo Qaybgaleen Boqolaal Kamid Ah dhalinyarada somaliland Abwaano Iyo qaarkamid ah haldoorka bulshada ayaa kusoo Bandhigay suugaan uu kaga hadlayo xaalada dalka iyo sida ay masuuliyiintii Ay xilka udoorteen ukala qaybiyeen shacabka iyo siyaasadaha raqiiska ah ee ay ku kala qabiyaan si aanay cududoodu ugu midoobin. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA MAANSADA DOONYO QAAD OO UU KAGA HADLAY XAALADA DALKA; COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|