Bahda Mareegaha Farshaxan
Diisember 2020
Socod deyrshey waa hore
Daa’imo carruureed
Dumar weer-cad loo xidhay
Diif iyo xannuun qaba
Daaniyo miskiin keed
Debedyaal la wada noqey
Dushay milic ka haysaa
Iyo durihi jiilaal
Baraf baa ku soo degi
Deyro dhaaf kalkiisii
Waxa yimi diyaarado
Miig guuxa laga dido
Dangaraaradii sii
Durba jiidh dadkoo wadhan
Daami haamuhu siday
Daafkiyo rasaastii
Durba geeri loo baday
Maansadii Weli dunida kama dhicin
Abwaan Axmed Aw Geedi
Markaan arkey isbadalka lagu sameyno goobta taalada diyaarada waan soo dhaweeyey, haddana waxaa i galey dareen aan wanaagsaneyn markayi horyimaadeen waydiimaha ay ka mid yihiin:
1;Aragtida iyo fulinta taaladaa Diyaarada waxaa lahaa Cawil Cilmi Cabdale (IHUN) ee maxaa ii damaano qaadaya inmagaciisu uu ku xardhanaan doono, oo lagu dul qori doono taalada cusub?
2;Maxaa ii damaano qaadayain naqshada cusub iyo diyaaraduba yeelan doonaan astaamihii xasuuqa oo ah inay noqoto diyaaradii laftigeedii xasuuqa geysatey oo leh tilmaamaheegii lagu yaqaanay oon la badalin?
Intaanu dhiman ayaa mar la wareystay Cawil Cilmi wuxuu yidhi: “Hargeysa magaaladii aan xukumi jirey iminka maaha”. Wuxuu marxuumka Cawil aad uga biyo-diidanaa hab-dhaqanka isbadaley ee dawlada hoose ee Hargeysa. Waxaan ididiilo wanaagsan ka dhiganayaa inaaney weedhahaasi xafiisyada ka soo kicin dadka isku xilqaadey inay wax ku daraan taalada oo qurxiyaan.
xaasidnimo iska ogow
ha xistiyin qof guul helay
ha xagxagan cidkaa mudan
Abwaan Axmed Aw Geedi
“Xilli aan ku qiyaasayo ilaa 10kii habeenimo ayaa diyaaradaa la saarey halka iminka ay saaran tahay” ayuu yidhi Xasan Sh. oo u waramayey tifatiraha mareegaha Farshaxan,kana mid ahaa dadkii habeenkii diyaarada goobtaa la saarayey goobjoog ahaa. Xasan oo sii wada hadalkiisa ayaa yidhi: “ Waxaanan ilaawin Cawil oo dadka uga digaya inay ka durkaan diyaarada markuu wiishku dhulka ka qaadayey ee uu saarayey figta sare ee dhismaha taalada”.
Dadku waxay doonayeen inay taabtaan diyaaradaa intaan la saarin figta sare. Marxuum Cawil oo ogaa siday ugu adkaan karto in diyaarada la saaro halka ay saaran tahay maanta ayaa doortey in habeenimo hawshaa la fuliyo. Waxaad halkaa ka arkeysaa in Cawil Cilmi Cabdale ay hageysay hawsha iyo kolba sida ay ku fuleyso, ee aaney hageyn saacadaha loo qoondeeyey in la shaqeeyo ee aroorta hore xafiisyada qadada lagu sugo.
Gu’gii 2000kii ayaa waxaa xilkii duqa magaalada tiriyey mudane Cabdiraxmaan Ismaaciil Cadami oo u tiriyey xilkaa mudane Cawil Cilmi Cabdale.Dhaqaalaha dawlada hoose soo gala ayaa aad u liitey oo mararka qaar mushaharka shaqaalaha ayaa cidhiidhi geli jirey.
Kheyriyada Hargeysa ayaa u dhisnayd qaab dhismeed la yaab badan oo ku salaysnayd hab-dhismeed (Design) sal ku lahaa hab-dhismeedka Carabta iyo Hindida. Boobe Yuusuf Ducaale oo qoraal ka diyaariyey ayaa sidan inoogu faahfaahiyey: “Dhisme qurux badnaa oo aan dhiggiisu magaalada ku oolli jirin oo naqshad (Design) Faarisiya (Persian) berende shabeg looxaan ahaa ka samaysan oo daadsan ayuu lahaa. Barre Nuux Xaaji Cabdillaahi oo khayryadaa baryaha qaar gacanta ku hayn jiray ayaa ii sheegay in qoriga ama looxa lagu dhisay laga keenay Jaziirada Sayloon. Xayaab ubax soo-jiidasho lahaa ayaa ka bixi jiray. Daayeerro aan badnayn ayaa iyaguna joogi jiray”.
Bile Rafle Guuleed oo ka mid ahaa ardeydii 1960ka hor wax ku baratey madarasadii AL-AHLI ee ku ooli jirtey Kheyriyada Hargeysa, Sidoo kalena wuxuu ogaa qaab dhismeedkaasi inaanu meelna ka jirin ee ay Kheyriyada Hargeysa ku gaar tahay. Waxaa kale oo uu Bile Rafle Guuleed ogaa taarriikhda ku duugan dhismahaa Kheyriyada. Haddaba waxay ayaandaro ka dhacdey oo sida dad badan isku raacsan yihiin la qabo inuu Bile Rafle Guuleed dumiyey dhismahaa isagoo ku soo gabanaya waan cusbooneysiinayaa (Casriyeynayaa) oo qurxinayaa. Dib, danbe kheyriyada albaabkeedii looguma yeedhin magacii lagu yaqaaney ee libaaxyaley, dib danbe umay yeelan dareenkii ay dadka iyo dalka reer Soomaaliland u laheyd. Waxaa isbadaley tilmaamihii sheekadu ku furmi jirtey ee ku saabsaneyd albaabada laga soo galo, qaab dhismeedka gudaha,goobtii ay ciyaalku ka soo sinbirixan jireen ee ay ku ciyaari jireen,iwm. Bal Adba!!! May rasaase mee rageediii!!!
Maanta in la cusbooneysiiyo oo la qurxiyo Taalada Hargeysa ee Cawil intii itaalkiisa dhaqaale ahaan uu xilligaa ku dhisay ayaan tilmaamihii iyo ujeedadii loo dhisay waxba laga badalin. Xukuumadi ma laha, xisbi ma laha, waa sooyaal ummadeed oo jiilalka danbe looga waramayo dalkan iyo dadka reer Soomaaliland xasuuqa loo geystay ee aan loo kala hadhin ilaa diyaaradii Madaarka Hargeysa ka kaceysay ay ka qayb qaadatey.
Qof kasta oo reer Soomaaliland ahi wuu soo dhaweynayaa waxqabadka iyo hagaajinta meeshii baylah laga arki karo. Waxaase mudnaanta leh in la sugo ilaalinta tilmaamaha iyo astaamaha sugaya ujeedada taalada loo dhisay markii hore.
Dhayal uma fadhido goobtab Ee geesibaa dhigay
Dhinacyada ragey goysay Baa dheega kaga yaalee
Dhaayaha kuwii ay tirtey Baa dheega kaga yaalee
Dhalintay agoomeysay Baa dheega kaga yaalee
Dhakhtarada kuwii ay dhigtey Baa dheega kaga yaalee
Aakhiro kuwii u dhaacdhacey Baa dheega kaga yaalee
Ku dhabowdey SoomaalilandDhiiga Geesiga ee
Maansoyahanada Hinda
Qalinki iyo tifatirkii; Fu’aad Sh. Jabha
Bahda Mareegaha Farshaxan