|
|||||
WAJAALE NEWS
“Tallaabada Joojinta Gaadiidka VITZ-tu, Waa Go’aan Ka Aradan Dawladnimada Oo Muujinaya Arxandarrada Xukuumadda” Xisbiga Wadani.
November 8, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Xoghayaha Arrimaha Bulshada Xisbiga Ee WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa si adag uga hadlay go,aankii xukuumada madaxwayne biixi ku shaacisay in dalka ay ka joojisay soo dajinta gaadiidka yar yare e VITZta isagoo ku tilmaamay go,aamkaasi mid kasoo baxay xukuumad ka aradan dawladnimada oo cadow ku ah shacabkeeda “Tallaabada joojinta gaadiidka VITZ-ta waa go’aan dawladnimada ka arradan oo muujinaya axmaqnimo iyo arxandarro maamul. Xukuumaddu waxay u taqaan VITZ-ta gaadhi aan manfac lahayn, shacabkuna waxay ogyihiin in V8-ka wasiirradu ku raaxaystaan aanu manfac inoo lahan dhaqaale ahaan. Waxa ku nool kumanaan qoys, waxa shaqo abuur ka helay dhallinyaro badan, VITZ-tu waxay badbaadisay bilaa camal badan oo Tahriibi lahaa.” HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN; Related posts:DAAWO;-Gudida Heer Qaran Ee Covid19 Oo Qaaday Xayiraado Ay Hore Usoo Rogeen Iyo Shuruudaha Ay Ku Xid... Jaamacadda New Generation University Oo Kaalinta Koowaad Ka gashay Qiimayn Ay Sameeyeen Komishanka T... Dalladda SONYO Iyo Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Oo Koox Dhallinyaro Ah Shirkad Ganacsi U... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|