Taliska Ciidanka Booliska Jsl Oo Ka Hadlay Xadhiga Wiil Fal Anshax Daro Ah Kula Kacay Hablo Arday Ah Oo Ay Xabsiga Utaxaabeen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliska Ciidanka Booliska Jsl Oo Ka Hadlay Xadhiga Wiil Fal Anshax Daro Ah Kula Kacay Hablo Arday Ah Oo Ay Xabsiga Utaxaabeen.
September 4, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-HogaanKuxigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle dhexe Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil ayaa ka hadlay Xadhiga  wiil dhalinyaro ah oo ciidanka booliska  ee gobolka gabiley xabsiga utaxaabeen kadib markii fal anshax daro ah kula kacay hablo arday ah kaasi oo uu muuqaal isaga soo duubay isagoo suun ku garaacaya.

Hogaan kuxigeenka ciidanka booliska oo uwaramaya wariye faysal fifa ayaa cadeeyay xadhiga wiil dhalinyarada eek u kacay falkan oo lagu magacaabo Mahad cabdirasaaq cali wakhti  xaadirkana u ku xidhan yahay saldhiga magaalada gabiley oo ah halkii uu falku ka dhacay

Sidoo kale Hogaanka kuxigeenka ciidanka booliska jsl oo ayaa sheegay in ciidamada iyagoo ka falceliyay  kadibmarkii ay daawadeen muuqaalkan aya qadeen talaabada wiilkan lagu soo xidhay.

HALKAN KA DAAWO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

COMMENTS
LINKS