|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirkad Caalami Ah Oo Shaacisay Inay BERBERA U Qorshaysay Xuddunta Kaydka Shidaalka Geeska Afrika
September 8, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Shirkadda Trafigura ee ka ganacsata shidaalka iyo saliidda ayaa sheegtay in ay maalingalin ku samaynayso Haamaha Kaydka shidaalka ee Magaalada Berbera. Warsaxaafadeed ay soo saartay Shirkadda Trafigura ayaa lagu sheegay in shirkaddu damacsan tahay in Berbera noqoto xuddunta Kaydka shidaalka ee Geeska Afrika. Shirkadda ayaa dhawaan heshiis la saxeexatay Xukuumadda Somaliland gaar Ayaan Wasaaradda ganacsiga sida ay ku cadeeyen Warsaxaafadeed ay maanta soo saartay shirkaddaasi. Shirkadda Trafigura oo ka shaqaysa shidaalka iyo saliidda la isaga gudbiyo dunida ayaa Xarunteeda ugu weyni ku taalaa Switzerland. waxaanay Todobaadkan Berbera keentay Markabkii ugu horreeyay ee sida Shidaal shirkaddaasi leedahay. Halkan hoose ka akhriso warkan; https://www.trafigura.com/press-releases/trafigura-to-invest-in-improving-berbera-oil-terminal-to-become-a-regional-supply-hub-with-the-support-of-the-government-of-somaliland?fbclid=IwAR0L9h1-5D9pjmZCjijg4MOL17gGwZQxC7wRBKg3geQkwekhI-CLz0jc7r8 Related posts:Gaadhi Siday Dad Iyo Xoolo Kasoo Hayaamay Abaaraha Oo Gaadhi Kula Dhacday Duleedka Deegaanka Abaarso... Gudoomiyaha Haayada Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Oo Dekeda Berbera Ku Qaabiley Qaxoonti Som... War-Deg-Dega:Madaxwaynaha Somaliland Oo Si Adag Uga Hadlay Muslimiinta ROHINYA Ee Lagu Xasuuqay Dal... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|