Wasiir Axmed Shide Oo La Gudoonsiiyay Bilada Wasiirka Maaliyadda Ee Qaarada Afrika Ugu Wanaagsan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Axmed Shide Oo La Gudoonsiiyay Bilada Wasiirka Maaliyadda Ee Qaarada Afrika Ugu Wanaagsan.
August 18, 2020 - Written by Editor:

ADIS ABABA (W,N)-Majaladda African Leadership Magazine Ayaa Wasiirka Maaliyadda Dalka Itoobiya Axmed Shide u Aqoonsan Tahay inay siiso Billadda  Wasiirka Maaliyadda ee Afrika ugu wanaagsan sannadkii 2020.

War-murtiyeed ay Majaladdu Shalay soo saartay waxay ku soo Bandhigtay Madax iyo Masuuliyiin kala duwan oo isugu jira  Madaxda Hay’adaha Maaliyadda ee Afrika ee ay u aqoonsantay kuwii ugu wanaagsan sannadkan 2020.

Majaladda ayaa laba Wasiir-Maaliyadeed oo ka soo jeeda Afrika U Aqoonsantay Kuwii ugu wanaagsan Sannadkan.

Wasiir Axmed Shide ayaa noqday wasiirka keliya ee ka soo jeeda Bariga Afrika ee ay majaladdu u Aqoonsatay Wasiirka Maaliyadda Ugu wanaagsan Afrika Sannadkan 2020.

Axmed Shide ayaa ka soo jeeda Gobolka Soomaalida ee Itoobiya.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

 

COMMENTS
LINKS