|
|||||
WAJAALE NEWS
Raysal Wasaare Abiy Oo Xilalkii Ka Qaaday Wasiiro Uu Kamid Yahay Saaxibkiisii Guusha Lamma Magase.
August 18, 2020 - Written by Editor:ADIS ABABA(W,N)-Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa Dhowr Wasiir oo si weyn uga soo horjeeday aragtidiisa ku aadan maamulka dalka. Xilalkii ka qaaday isagoo kuwo cusubna magacaabay Wasiirada uu xilka ka qaaday ayaa kamid ah saaxiibkiisii guusha hayay xilka Waasiirkii gaashaanshigga Lamma Magarsa, oo xilka laga qaaday, horena u ahaa madaxweynaha kilalka Oromada. Waxaa kaloo jira xubno kale oo xilalka laga qaaday, kuwaa oo lagu badalay madax cusub. Dr. Qanca Yaadhetaa- Wasiirka Gaashaandhiga. Dr Gediyoon Timoteewos- xeer ilaaliyaha guud. Dr. Saamuel Hurkaato- wasiirka sayniska & tacliinta sare. Eng. Taakale Umma -wasiirka macdanta iyo shidaalka. Professor Hiruut Weldemaaryam lataliyaha Raysul wasaarahaArrimaha Bulshada. Kilalka Oromada waxaa ka socday maalmahan banaanbaxyo rabshado wata oo lagu diidanyahay Abiy Axmed. Related posts:Wasiirka Duulista Somaliland Kulan La yeeshay Dhigiisa Turkiga Iyo Shirkadda diyaaradaha ee Turkish ... DAAWO: Xoghayaha Dawlada Hoose Hargaysa Oo Dagaal Gacan Ka Hadal Ah Ku Qaaday Suldaan Kamida Salaadi... DAAWO;-Dalkan Cida Xukuntaa Tolow Waa Ayo, Sidii Taliyaha Ciidanka Bada Xilka Looga Qaaday Ina Shaqa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|