Musharax Xildhibaan Gole-deegaan Eng Maxamed Cabdilaahi Qarbooshe Ku Dooro Daacadnimo Iyo Aqoon… | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Musharax Xildhibaan Gole-deegaan Eng Maxamed Cabdilaahi Qarbooshe Ku Dooro Daacadnimo Iyo Aqoon…
August 8, 2020 - Written by Editor:

Berbera(W,N)- Taageerada iyo soo dhoweynta Musharax Xildhibaan gole-deegaan Eng. Maxamed Cabdilahi Cabdi Qarbooshe, ayaa todobaadkan si weyn u qabsatay Baraha Bulshada gaar ahaan Facebook iyo Twitter ka. Musharax Xildhibaan gole-deegaan Maxamed Qarbooshe ayaa u tartamanaya golaha Deegaanka ee Degmada Berbera.

Musharax Maxamed Cabdilaahi Qarbooshe, waxa uu kamid yahay Siyaasiyiinta haldoorka ah ee Gobolka Saaxil, waana Injineer ku xeel-dheer dhinaca Dhismaha, isla markaana qayb libaax kasoo qaatay horumarka baaxada leh ee Gobolka Saaxil.

Musharax Xildhibaan gole-deegaan Maxamed Cabdilaahi Qarbooshe waa Khabiir mudo dheer kasoo Shaqeeyey dawlada hoose ee Berbera 1993-2006. Sidoo kale Eng Maxamed Qarbooshe ayaa filayaa inuu noqdo Maayirka mustaqbalka dhow ee Magaalada Berbera, maadaama oo u yahay shaqsiga ugu aqoonta badan xaga Dawladaha hoose dhamaan Musharaxiinta masraxa taagan.

Musharax Xildhibaan Maxamed Cabdilahi Qarbooshe, waxa uu mudo dheer ku noola Magaalada Berbera iyo nawaaxigeeda, waana Musharax Xog-ogaal u ah, Xaalada guud ee gobolka Saaxil iyo duruufaha Bulshada ku nool Gobolka.

Musharax Xildhibaan Gole-deegaan Maxamed Cabdilaahi Qarbooshe, waxa uu kamid yahay shaqsiyaadka faro ku tiriska ah ee Berbera lagu soo hirto, waa masuul Bulshada jilicsan kusoo hirato.

Fadlan Muwaadin u Codee Injineer Maxamed Cabdilaahi Qarbooshe. La soco qaybaha dambe iyo qormooyin ku saabsan Waxqabadka Bulshada ee Musharax Xildhibaan gole-deegaan Maxamed Cabdilaahi Qarbooshe.

 

COMMENTS
LINKS