Maxkamadda Sare Iyo Maxkamadaha Hoose Ee Somaliland Oo Wada-tashi Ka Yeeshay Sidii Kor Loogu Qaadi Lahaa Adeegga Loo Hayo Bulshada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxkamadda Sare Iyo Maxkamadaha Hoose Ee Somaliland Oo Wada-tashi Ka Yeeshay Sidii Kor Loogu Qaadi Lahaa Adeegga Loo Hayo Bulshada.
August 17, 2020 - Written by Editor:

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo sheegay in aan la dammiinan karin kiisaska la xidhiidha kufsiga, loona iibin karin cidda lagu helo fal-dambiyeedkaasi

Hargeysa (W,N)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa kormeer ku maray xarumaha Maxkamaddaha hoose ee Gobolka Maroodi-jeex, halka sidoo kale uu kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Maxkamadda Racfaanka, Gobolka iyo Degmada Hargeysa.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Somaliland, kormeerka iyo kulankan oo qabsoomay gelinkii hore ee maanta (Isniin, 17 August 2020), waxa ujeedadiisu ahayd sidii Guddoomiyuhu xogogaal ugu noqon lahaa hawlaha shaqo ee Maxkamadaha, aqoonta shaqaalaha iyo sidii loo dardargelin lahaa adeegyada garsoorka ee loo hayo bulshada Somaliland.

Qoraalkan oo faahfaahsan waxa uu u dhignaa sidan; “Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland oo kormeer ku soo maray Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Marood-jeex, Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex iyo Maxkamadda Degmada Hargeysa.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed oo ay weheliyaan garsoore iyo saraakiil ka tirsan Maxkamadda Sare, Guddoomiyayaasha Maxkamadda Rafcaanka Cali Suudi Diiriye, Gobolka Cabdi Qawdhan Cabdi iyo Degmada Hargeysa Yaxye Xuseen Yuusuf ayaa saaka (Isniin,17 August 2020) kormeer ku sameeyay dhammaan xafiisyada Maxkamadaha Racfaanka, Gobolka iyo Degmada Hargeysa.

Kormeerka ayaa ujeedadiisu ahayd xog-ogaal u noqoshada hawlaha ka socda xarumahaasi, baahiyaha ka jira iyo heerka aqooneed ee shaqaalaha ka hawlgala Maxkamadda Racfaanka, Gobolka iyo Degmada Hargeysa, waxaanu Guddoomiyuhu ugu baaqay shaqaalaha haysta shahaadada dugsiga sare iyo kuwa haysta darajada koobaad ee jaamacadda (first decree) in ay kordhiyaan aqoontooda, iyagoo ka faa’iidaysanaya barnaamijka kobcinta aqoonta Hay’adda Garsoorka, kaasi oo ah deeq waxbarasho oo loogu talagalay shaqaale-weynaha Hay’adda Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland.

Markii kormeerkaasi soo dhammaaday, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa shir la galay Guddooomiyayaasha Maxkamadda Racfaanka, Gobolka iyo Degmada Hargeysa, shirka ayaa ahaa mid lagaga tashanayay sidii kor loogu qaadi lahaa adeegga Maxkamaduhu bulshada u hayaan, loona xoojin lahaa xidhiidhka dadweynaha,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Geesta kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ay wehelinayeen Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka iyo Saraakiil ka tirsan Maxkamadda Sare, ayaa kulan la qaatay Masuuliyiin ay hoggaaminayso Wasiirka Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani, kulankan oo qabsoomay maalintii Axadda waxa lagaga wadahadlay arrimo khuseeya waxyaabaha ay labada dhinac iska kaashan karaan.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal lagu faafiyey barta Facebook-ga Maxkamadda Sare ee Somaliland, kaasoo u qornaa sidan; “Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed oo uu weheliyo Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka iyo saraakiil ka tirsan Maxkamadda Sare ayaa maanta (Axadda, 16 August 2020) xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ay hoggaaminayso Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Jamhuuriyadda Somaliland marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani, waxaana kulanku daarnaa sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta ka dhexaysa Hay’adda Garsoorka iyo Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiiradda ayaa sheegtay in Wasaaraddu baahi weyn u qabto, kuna faraxsan tahay in Maxkamadduhu ka taageeraan, kiisaska la xidhiidha tacaddiyada carruurta, khilaafaadka ka dhasha qoyska (domestic violence) iyo arrimaha darbi-jiifka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa soo dhaweeyay in dhidibada loo adkeeyo xidhiidhkii Wasaaradda Shaqo-galinta iyo garsoorku lahaayeen, lana siiyo fursad ay kula socdaan kiisaska ay danaynayaan.

Ugu danbayn, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa sheegay in kiisaska la xidhiidha kufsiga aan la dammiinan karin, laga heshiin karin, loona iibin karin cidda lagu helo fal-dambiyeedkaasi,” ayaa lagu yidhi qoraalkan oo lagu faafiyey barta facebook-ga Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

COMMENTS
LINKS