|
|||||
WAJAALE NEWS
Ganacsade Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika.
August 6, 2020 - Written by Editor:Durban(W,N)-Faah-faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil nin Soomaali ah loogu geystay gudaha waddanka Koonfur Afrika. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Faarax Weyd, kaas oo lagu dilay goob ganacsi oo uu ku lahaa magaalada Durban ee dalkaasi. Wararka ayaa sheegaya in kooxo budhcad Afrikan ay weerar ku qaadeen marxuumka oo uu markii hore soo gaadhay dhaawac, balse markii dambe u dhintay. Kooxda dilka fulisay oo goobta ka baxsatay ayaa lagu soo warramayaa inay doonayeen inay dhac u geystaan ganacsadahaasi Soomaaliga ahaa. Sidoo kale waxaa goobta gaadhay ciidammo ka tirsan kuwa Booliska dalka Koonfur Afrika, balse ma jirto wax tallaabo ah oo ay qaadeen dhacdada kadib. Muddooyinkii la soo dhaafaywaxaa sii kordhayey dilalka iyo weerarada ka dhanka ah Soomaalida ee ka dhaca wadanka Koonfur Afrika. Tan iyo markii la guda galay sanadkaan 2020 ayaa waxaa Soomaali badan dil iyo dhaawac loogu geystay magaalooyinka waa weyn ee wadankaasi
Related posts:Daawo:Wasiirka Wasaarada Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aaden Oo Deeq Booyado ah Gaadhsiisay Ceelafway... “Haddii Saamiga Qabaliga Ah Lagu Qaybsado, Dowladnimada Maku Gaadhaynaa Horumar, Sinaan Iyo Caddaala... Daawo:Xisbiga Mucaaradka ah Ee Wadani Oo Soo Bandhigay Jidka Uu U Mari Doono Ictiraaf Ay Somaliland ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|