|
|||||
WAJAALE NEWS
“Haddaan Qof Uun Ku Hubo Muwaadinnimo, Toosnaan, Sharci Dhawris, Iyo Dal & Dad Jacayl, Waa Guuleed Dafac” Abwaan Cabdilaahi Xasan Ganey,
July 6, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Abwaan Cabdilaahi Abwaan Xasan Ganey Oo Kamid Ah Dhalinyarada Hal Abuurka Ee Reer Somaliland ee ku Dhaqan Dalka Dibadiisa ayaa ka hadlay sida qofka reer Somaliland ee ka hadla Danta bulshada loo mar mariyo dacaayado raqiisa iyo cidbaa kaa danbaysa. Sidoo kale Abwaan Cabdilaahi ayaa tilmaamay dadnimada iyo Dal jacaylka Garyaqaan Guuleed Dafac oo kamid shakhsiyaadka Reer Somaliland ee udooda shacabka iyo ilaalinta shuruucda Dalka. Abwaan Cabdilaahi Xasan ganey ayaa qoraal kooban oo uu Arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga Wuxuna Udhignaa Sidan;
“Ninkii dood ka keenana Dacaayado raqiisiyo Waxaa lagu didsanayaa Cid baa kaa dambaysoo, Ninkii dooxi kara boog Looma waayo daabaqad Iyo qaar la daba gala.” Gaarriye AHUN Haddaan qof uun ku hubo muwaadinnimo, toosnaan, sharci dhawris, iyo dal iyo dad jacay waa Guuleed Dafac. Qofkaan sidaa ugu hayso in uu u wanaagsan yahay, cidna uga habran maayo in aan u hiiliyo. In kolba qof bilaa qiyam ahi meelahaa ka dacaayadeeyo, damiirkeenaa lagu xujaynayaa bal waxaynu ka yeelno arintaa!’ QALINKII; Abwaan Cabdilaahi Xasan Ganey
Related posts:“Cabdirashiid Riyo Raac Waxaan U Arkaa Miino Madaxwaynaha Loo soo Xanbaariyay, Buurmadow Waxaan’’”Mu... Xukuumadda Somaliland Oo Markii U Horreysay Ka Hadashay Qaabkii Odayaal-Dhaqameedka Soomaaliya Ku Yi... Gudoomiyaha Haayada Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Oo Lalayeeshay Waraysi Xasaasiya Iyo Arimaha Uu Ka... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|