Marka Hore Waxaan xukuumada Somaliland ugu Hanbalyaynayaa Guusha ay ka soo hoysay arimaha dibada, khasatan xidhiidhka iskashiga Somaliland iyo Twain. Waxaan qabaa in ay Somaliland ay faa’iido dhan dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ka heli doonto. Mida kale, Shiinahu waa dal cadaystay tageerada dawlada Federalka ah, marka in dhinaca ay is hayan raacno way inoo fiican tahay. Teeda kale, Twain iyo dawladaha reer galbeedka, oo uu hormood u yahay dalka Maraykanku waa xulofo aad iskugu dhaw, maanta maalin ay iskaga dhawyihiina ma jirto. Marka dagaal qabow ayaa bilaabmay marka in ay dhinac siyaasadeenu la jaanqadi karto in ay doorano waa mid aad u mihiim ah.
Marka labaad, Parliament-ka Gambia ayaa July 1 ka doodayay qadiyada Somaliland. Isla maalintay dawlad Somaliland iyo Twain ay ku dhawaaqeen iskashiga labada dal. Mida kale, december 2019 wafti wasiirka arimaha Somaliland hogaaminayo ayaa tagay Gambia.
Teeda kale, laba wiig ka hor ayaan qoray, qoraal aan kaga hadlayay in Ictiraafkeena ka radino dalalka marxaladaheena oo kale soo maray, sida Gambia iyo Senegal. Senegal iyo Gambia waxay ahaayeen laba dal oo kala madax banana midoobay 1982, kala baxayna 1989.
Haddaba, marka aan dhagaystay dooda golaha Parliament-ka ee Gambia, waxan ka fahmay in ayna xog badan ka haynin qadiyada Somaliland. Marka laga reebo, warbixin 2005 Ururka Midawga Afrika ka soo sareen qadiyada Somaliland.
Wasiirka arimaha dibada dalkaasi mudane Tangara, ayaa golahani ka cadeeyay in dawladiisa Ictiraafsan tahay oo kaliya dawlada Federalka Somalia. Marka waxaa laga yaba in aanu wasiirku ka war haynin ama isdiidsiinayo in Somaliland ayna ka mid ahayn dawlada Federalka. Waxaa kale uu wasiirkani sheegay in ay manta (July 1) ay tahay maalinta xoriyada Somalia, oo uga jeedo (midawga dawlada Somaliland iyo Somalia). Lakiin waxaa qabaa in aanu ka warqabin in Somaliland xoriyada heshay Jun 26.
Haddaba, dooda dadka ka so horjeeda qadiyada Somaliland waxaa ku so ururta:
Arintani waa mid ka dhaxaysa Somalida.
Qadiyada Somaliland iyo Somalia waa min u taala Ururka Midawga Afrika iyo Qaramada Midawga. Iyo
In Ictiraafka Somaliland ahayn mid dani ugu jirin Gambia/dalkeena.
Hadaladani kuma koobnayn oo kaliya wasiirka arimaha dibada Gambia, lakiin waa hadalada ay yidhaahdaan kuwa ka soo hor jeeda Ictiraafka Somaliland.
Sida daradeed, jawaab dooda noocani oo kale qancisa waa in ay diyaar inoo yihiin, tageerayaasha qadiyadeena la wadaagno. Haddaba, haddii qodab qadab ugu daadago.
Arintani waa mid ka dhaxaysa Somalida.
Qadiyada Somaliland iyo Somalia ma ah mid iminka bilaabantay ee waa mid socotay mudo ka badan 30 sano. Marka haddii arantani u taalo Somali, sida Senegal iyo Gambia, ama Senegal iyo Mali ayay xalin lahaayeen bari kore. Sida daradeed, arintani ma ah mid Somali oo kaliya u taala. Lakiin, waa mid ay tahay in ay ka arimiyan dadka ama hogaamiya yaasha damiirka leh ee danaynaya jirtanka iyo mustaqbalka Afrika.
Qadiyada Somaliland iyo Somalia waa min u taala Ururka Midawga Afrika iyo Qaramada Midawga.
Sida ay xubnaha tageersana qadiyada Somaliland ee golaha Gambia ka dhawaajiyeen, warbixinta 2005-kii Midawga Afrika soo sartay waxay ku cadeeyeen halka ay ka tagantahay Ictiraaf radinta Somaliland. Waxay warbaxinta ku so gunaanadeen in Ictiraaf Somaliland aanu ka hor imanaynin sharciyada Midawga Afrika, iyo xeerarka ay ku heshiiyeen dalalka Afrika. Jiritanka dalka Somaliland iyo xuduudihiisu ay xoojinayaan shuruucihii lagu dhisay ururka.
Isla markan, Ictiraaf Somaliland heshaana aan noqonayni waxa ay ugu yeedheen ‘pandora’s box’, oy uga jeedeen, haddii Somaliland la Ictiraafo in ayna albaab u furaynin gobalada dalalka Afrika ee raba in ay gooni uga istagan dalalkooda. Marka warbixin Midawga Afrika soo sartay, waxay cadaysay in Somaliland buuxisay shuruudihii looga baahna in ay dal ururka ka mid ku noqoto, ama xubin Qaramada Midoobay (United Nations).
Sida daraadee, Midawga Afrika wuxuu ku riixay Ictiraafka Somaliland dalalka Afrika. Taasi oo cadayn u ah in Ictiraafka Somaliland yahay mid siyaasadeed, lakiin aanu ahayn mid sharci.
In Ictiraafka Somaliland ahayn mid dani ugu jirin Gambia/dalkeena.
Nabad galyada, xasiloonida iyo sumcada qaradu waa mid qarada ay tahay in ay wada ilaashadan. Horumarka iyo nabada dalkasta waa u dan dalkasta oo Afrika ka mida. Qadiyadani Somaliland iyo Somalia mudo dheer ayay soo jiitamaysay, haddii xal dag daga loo helina dagaal ayay ku danbayn doona, dagaalkasina samayn wayn ayuu ku yeelan doona dalalka jaarka iyo qaarada Afrika. Teeda kalana, dhiig Afrikana oo daataa dan uma aha dadnimada dalalka iyo horumarka Afrika.
Gaba gabadii, Xukuumada Muuse Biixi waxaan xusuusin lahaa, hadaladii uu Madaxwaynihii hore ee Nayjeeriya Obasanjo ka yidhi qasriga Madaxtooyada, markii Somaliland soo booqday.
Wuxuu yidhi, arinta Somaliland horena waan ula socday, iminkana waxaan warbixin ka dhagaystay labada hogaamiye ee Golaha Wakiilada iyo Guurtida. Waxaanan anigu qabaa in qadiyada Somaliland tahay mid aad u fiican, lakiin waxaad u bahan tihiin in bulshada iyo dadka Afrika aydun arintiina u bandhigtaan. Taasi waa masuuliyada dawlada, ama xukuumada saran.
Waxaanu yidhi wakhtigan si kasta oo qadiyada ama kayskaagu u fiican yahay waxay u bahan tahay in aan dadka u bandhigto, ood xayaysiiso si aad u fahamsiiso. Wuxuu ku cel celiyay odhahda ah: “You have to package it and you have to market it”. Odhahdani afka Somaliga ku noqonaysa, ‘Waa in marka hore qadiyadiina isku gaysan, kadibna xayaysisan’.
Haddaba, waxaa jira dawlado aan dimuqradi ahayn ama dimuqradiyadoodu daciif tahay oo dhaqaale ku badalanaya Ictiraaf, taasina waa mid ay tahay in aanu diyaar u ahaano.
Lakiin, dalalka Afrika ee dimuqradiga ah sida Gambia oo kale, waa in marka hore qadiyada Somaliland warbaahinta dalalka loo bandhigo. Si dadkoodu u fahanman. Kadibna, dawladahoodu go’aan uga gaadhi karaan. Waxaan anigu aaminsanahay in qarada Afrika ay ka jiran dalal badan oy hogaaminayan dad damiir leh, oo xaqa iyo badilka kala garanaya, kuwaasi Ictiraafka Somaliland u qalanto siin doona.
SOMALILAND HA NOOLATO !!!!
QALINKII; OMAR A. YOUSUF
WWW.DANQARAN.COM