Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Fadhiisimo Cusub Ka Samaystay Deegaano Katirsan Gobolka Sanaag. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Fadhiisimo Cusub Ka Samaystay Deegaano Katirsan Gobolka Sanaag.
July 9, 2020 - Written by Editor:

SANAAG(W,N)-Sareeye Guuto Muuse Jaamac oo ah Taliyaha ciidanka Soomaaliland ee gobolka Sanaag ayaa xadhigga ka jaray   saldhig cusub oo ciidanka Somaliland Ay ka sameysteen deegaanka Baraagaha Qol ee gobalka Sanaag, kadib markii maalmihii lasoo dhaafay oo kormeerayay xeryaha ciidanka Somaliland ee gobolka.

Taliyaha ciidanka Somaliland ee gobolka Sanaag oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in saldhiggaan la keeni doono ciidamo cusub oo xoojinaya kuwii hore u joogay isla markaana ayna jirin cid ay duulaan ku yihiin sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kalana waxa uu sheegay qorshahaan in uu qeyb ka yahay la socodka xaaladda amni ee gobolka Sanaag iyo adkaynta xudduudaha Somaliland sida uu sheegay.

XIGASHO SOMALILANDTODAY.

COMMENTS
LINKS