Mudo Haraado Markale Ka Istaadhmay Magaalada Jabuuti Oo Lagaga Falcelinayo Muuqaal Ay Dawlada Kasoo Duubtay Duuliyaha Xabsiga Ku Xidhan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mudo Haraado Markale Ka Istaadhmay Magaalada Jabuuti Oo Lagaga Falcelinayo Muuqaal Ay Dawlada Kasoo Duubtay Duuliyaha Xabsiga Ku Xidhan.
June 10, 2020 - Written by Editor:

JABUUTI(W,N)- Qaarkamid shacab ku dhaqan xaafadaha Magaalada jabuuti ayaa iskugu soo baxay banaan baxyo Ay kaga soo  horjeedaan xadhiga duuliye fu,aad yuusuf cali oo shalay xukuumada madaxwayne ismaaciil cumar geele  xabsiga kaga soo dhex duubtay muuqaal ay ku qasabtay in uu warbaahinta dawlada la hadlo oo ay ku majaro habaabinayso tacadiga ay kula kacday askariga ciidanka cirka katirsanaa ee ku xidhan xabsiga magaalada jabuuti ee gabood.

Duuliye fu,aad ayaa hore iskaga soo duubay muuqaal murugo leh isagoo ku xidhan suuli kamid ah kuwa xabsiga gabood kaasi oo kacdoono xukuumada geele lagaga soo horjeedo ka abuuray guud ahaan dalka jabuuti, balse muuqaalka ay dawladu kasoo duubtay duuliye fu,aad ayaa ahaa mid shacabiga lagu dajinayo si loo marin habaabiyo xaqiiqada dhabta ee uu ku sugan yahay.

https://youtu.be/Hj4ngV8TmQw

Sidoo kale Dadwaynaha reer jabuuti oo iskugu soo baxay magaalada jabuuti ayaa xukuumada madaxwayne geele ku eedeeyay in ay ku qasabtay maxbuuska in ay kasoo duubto muuqaalkaasi, balse uu xaqiiqada ka fogaa walina aanu helin dhakhaatiir xaaladiisa caafimaad ukuur gasha,

Dhanka kale xaaska duuliye fu,aad oo iyadu ka hadashay  falkan ay dawladu kula kacday odaygeeda ee muuqaalka  lagaga soo duubay ayaa sheegtay in ay shalay haayada xuquuqal iisaanka xukuumada jabuuti ka diiday in ay wax ka duubaan iyagoo sida ay sheegtay uga dan lahaa in bulshada lagu maran habaabiyo .

HALKAN KAGA BOGO WARKA AY BIXISAY XAASKA FU,AAD;

 

Wixii war ah ee kasoo kordha kacdoonada dalka jabuuti kala soco wararkeena danbe.

WAJAALENEWS DESK

JABUUTI OFFICE.

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS