|
|||||
WAJAALE NEWS
Rabshado Caawa Ka Dhacay Magaalada Caynabo Iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Ka Hadlay Dhaawac Soo Gaadhay.
April 17, 2020 - Written by Editor:CAYNABO(W,N)-Magaalada Caynabo Ee gobolka saraar ayaa Caawa fiidkii Waxaa ka dhacay Rabasho Sobobay Isku dhaca dad shacab ah iyo ciidanka booliska kaasi Indhaawac soo gaadhay taliyaha ciidanka booliska iyo laba askari oo kamid ah ciidanka booliska , Isku dhacab ayaa ciidamada boolis adeegsadeen rasaas nool si ay shacabka isku soo baxay u kala eryaan. Taliyaha ciidanka booliska ee gobolka saraar Xasan Ismaaciil Cagma Yare oo ku sugan magaalada burco ayaa faah faahin ka bixiyay sida wax udhaceen iyo dhaawac kasoo gaadhay waji halka laba askari oo kale oo dhaawacyo fudud loo gaystay. Taliyaha ayaa sheegay in ay rabshadahani ka dhasheen kadib markii dad iskugu yimid goob maqaaxiya ay ciidanku isku dayeen in ay kala dareeriyaan ay sobobtay isku dhacani shacabka iyo ciidanka boolisku. HALKAN KA DAAWO MUQAALKA WARKAN OO FAAH FAAHSAN; Related posts:Gudoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland Oo Ku Dhawaaqey In Uu U Taagan Yahey Tartanka Doorashada Gol... DAAWO: Xarun Ay Wax Ku Baran Doonan Dadka Qaxoontiga Ah Ee Ku Sugan Somaliland Oo Laga Hirgaliyay Ma... Nin u dhashay dalka Sucuudiga oo Xaajigan lugta kaga soo gayooday dalkiisa sawir ka qaaday ayaa ku b... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|