|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidamada Somaliland Iyo Itoobiya Oo Magaalada Wajaale Kaga Shiray Sidii Wadajir La Iskaga Kaashan Lahaa Xakameynta Covid19.
April 23, 2020 - Written by Editor:Wajaale(W,N)-Taliyayaasha Ciidamada Dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa magaalo xudduudeedka Tog Wajaale kaga shiray sidii wadajir la iskaga kaashan lahaa Xakamaynta fiditaanka Xannuunka Coronavirus ee dunida sida xawliga ah ugu faafaya. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay Warbixin ay shirkaasi ka qortay Wakaaladda Wararka Itoobiya Ee ENA, Oo Werisay in Somaliland iyo Itoobiya ay wadajir uga hawlgaleen ka hortagga Xannuunka Covid 19. Siday baahisay Wakaaladda ENA, Taliyaha Ciidanka Millatariga qaybta Bariga Itoobiya Gen. Sewdu Belay iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ka qaybgalay shir ay maanta iskugu yimaadeen Magaalada Wajaale Saraakiisha ciidammada iyo maamulka degmada Wajaale ee labada dawladood, waxana shirkaasi lagu falanqeeyey sidii looga hortagi lahaa in xannuunkaasi ku fido Somaliland iyo Itoobiya. Taliyaha Ciidanka Millatariga qaybta Bariga Itoobiya Gen. Sewdu Belay, ayaa sheegay in shacabka Somaliland iyo Itoobiya ay muddo dheer ahaayeen labada ummaddood oo iskaashi ku wada noolaa,wuxuuna caddeeyey in labada dhinac ay qaadeen tallaabooyin lagaga hortagayo inuu xannuunka Covid 19 iskaga gudbo xudduudaha. Gen. Sewdu Belay wuxuu sheegay in wixii cabasho ah ee ka dhasha tallaabada lagu joojiyey inay labada shacab iskaga gudbaan soohdimaha ay tahay masuuliyad u baahan inay xaliyaan maamulka labada dawladood ee degmada Wajaale. Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in cudurka Coronavirus uu waxyeelo ku yahay horumarka dalalka soo koraya, waxaanu ammaanay dedaalka ay dawladda Itoobiya qaaday ee ay ku xakamaynayso xannuunkaas. Taliye Nuux Taani wuxuu xusay in Jamhuuriyadda Somaliland dhinaceeda ay qaaday tallaabooyin lagaga gaashaamanayo fiditaanka xannuunkaas, iyadoo xidhay soohdimihii dhinaca beriga ee ay la wadaagto Itoobiya iyo Jabuuti. Sidoo kale, sarkaalka hawlgelinta u qaabilsan ciidanka millatariga ee bariga Itoobiya Col.Mengesha Fentaw ayaa sheegay inay si wanaagsan iskaashi u leeyihiin ciidammada laanta socdaalka iyo maamulka degmada Wajaale ee Somaliland iyo kuwa Itoobiya, waxaanu xusay inay labada dhinac si dhow u wada shaqeynayaan. WAJAALENEWS DESK TOG WAJAALE OFFICE. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|