|
|||||
WAJAALE NEWS
Abwaan Sacad Gadhle Oo Curiyay Gabay Cusub Oo Uu Kaga Hadlayo Xanuunka Dunida Ka Yaabiyay Ee Covid19.
April 22, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Abwaan Sacad Xaaji Maxamuud Gadhle oo ka mid ah hal abuurka reer Somaliland ayaa tiriyay maanso cusub oo uu kaga hadlay xanuunka dunida ka yaabiyay ee Coronavirus Ugu Horayn Waxuu gabayga Abwaanku ku xusayaa Awoodda Alle Swt,marka xiga waxuu Abwaanku ummadda muslimiinta Alle uga baryayaa in Alle ka badbaadiyo Cadaabka Alle. Marka saddexaad waxuu Abwaanku kaga waramayaa Xanuunka dunida ka yaabiyay ee sida gaarka ah u haleelay wadamadii aduunka u sheegan jiray awoodda iyo cududda milatari,aqoonta iyo xadaaradda isagoo xanuunkani bannaanka soo dhigay in guud ahaan aanu Awood lahayd. Ugu dambayn waxuu Abwaanku Alle uga baryayaa in uu Ummadda Muslimiinta in uu Alle ka badbaadiyo Xanuunka iyo dhibtiisa .
Xuska gabayga yuusufow xaqaa lagu bilaabaaye Xikmadaadu Eebow aday xeelad dheer tahaye Xaqsoorkaagu Eebow aduu xubina dhaafayne Xagii loo dhaqaaqaba Allow xaadirbaad tahaye Xallimow Allahayow adigu xaakimbaad tahaye Xayun baaqi adigaa ahoo xogi ka dhaafayne Maalintay xisaabtiyo timaad xaalad laga giigo Allow xagii nabiga na mari xaakimbaad tahaye Allow naar naga xoree xaakimbaad tahaye Afartaa xareedii murtda xulashadaedii dheh Xiisadii abwaankiyo murtida xarakadeedii dheh Xarafkii suldaaniyo macnaha xaragadeedii dheh Xaddaaradii la sheegtiyo la waa xaraf aqooneede Xulka dunida ragii sheegan jiray way xarbiyayaane Ummaddaa xujowdoo baasow waa la xalayaaye Mar hadii xagaafkii ku dhacay xaaqme gabigoode Xurmo beele bulshadii dunida xeeladayn jiraye Xigto miiska ummaddii taqaan waa la xugayaaye Gabadhihii xijaabnaa Eebow way xaqirayeene Xulka dunida ragii sheegtay xaabo dhoosh noqoye Xuuraanka nimankii yaqiin xaraf ma sheegaane Allahayow xakiimow baryaan kuu xawilayeeye Dunidii xanuunbaa ku dhacay xaaqay gabigeede Muslinkiyo xigaalkaba allow dhaafi xumadiisa Muslinkiyo xigaalkaba Allow dhaafi xanaftiisa Afartaa xareedii ducada xulashadaedii dheh Xiisadii abwaankiyo murtida xarakadeedii dheh Xarafkii suldaaniyo macnaha xaragadeedii dheh Xulka dunida nimankii noqdee laga xishoonaayay Xidhiidhkii gumaystaha ragii loogu xilanaayay Xaqiraada kuwii nagu hayee nana xajiimeeyay Xoriyadda ragii bixin jiree lagala xaalaayay Xariiqyada nimankii dhigee kala xadaynaayay Xayiraadda ragii saarayee xaalad galinaayay Boqorada xajiinta leh ragii nagu xanaaneeyay Xumahay sameeyaan raguu uunku xanaaqay Afartaa xareedii murtida xulashadaedii dheh Xiisadii abwaankiyo murtida xarakadeedii dheh Xarafkii suldaaniyo macnaha xaragadeedii dheh
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|